Safiirka Somalia u fadhiyay dalka Koonfur Afrika oo Saakay ku geeriyooday Magaalada Pretoria ee Xaruntra South Africa

 Safiirka  Koonfur Afrika Sayid-ShariifTACSIINNAA LILLAAH WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN

Marxuum Sayid Xasan Shariif C/llaahi ayaa maanta oo Arbaco ah ku geeriyooday xarunta dlaka Koonfur Afrika ee Pretoria, iyadoo aan la sheegin sababta keentay geeridiisa.

Safiirka  Koonfur Afrika Sayid-Shariif.jpg1Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa waxay Warsaxafadeed kasoo Saartay ku sheegtay in marxuumka uu labadii sano ee ugu dambeeyay uu ku soo biiray siyaasadda dalka, uuna noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Somalia u fariista dalka Koonfur Afrika.

“Safiirku wuxuu horay uga soo shaqeeyay waxbarashada iyo arrimaha bani’aadamnimada, haddana wuxuu ahaa dajirihii Somalia ee Koonfur Afrika,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay soo saartay.

Marxuum Sayid Xasan Shariif C/llaahi ayaa horraantii sannadkan loo magacaabay xilkan ayaa wuxuu dadaal badan u galay sidii xukuumadda Koonfur Afrika ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka isugu jira dhaca iyo dilalka ah ee lagu hayo Soomaalida dalkaas ku nool.

Marxuumka Geeridiisa ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan ay dalka Koonfur Afrika tageen wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadd Somalia, kuwaasoo uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenka wasaaradda, si ay ugala hadlaan xukuumadda dalkaas sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka dadka Soomaalida ah lagu hayo.

Sidoo kale Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo warka ku soo saartay ku sheegtay in dajire Sayid Xasan uu ifka uga tagay caruur iyo xaas, iyadoo uu noqonayo danjirihii ugu horreeyay ee Soomaaliya oo ku geeriyooda Koonfur Afrika.

SomaliSwiss    Pretoria

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: