Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu Hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed bishan barakeysan ee Ramadan.

??????????????????????????????? Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa u hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadan-ka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa dhalashada bisha barakeysan ee Ramadan, waxaana EEBBE ka baryayaa in bishan barakeysan ee Ramadan inay noo noqoto bil ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay si nabad ah ugu cibaadeystaan.”

Sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlayey faa’iidada bisha Ramadan ayaa yiri: ” Barakada bishan barakeysan ee Ramadan waa inaan ka wada faa’iideysanaa si EEBBE uu noogu wada naxariisto, noogu danbi dhaafo iyo inuu Jannadii fardowsa noogu wada bishaareeyo.”

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay isu gar-gaaraan, waxuuna yiri “Dhowaan mar aan la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ka codsaday inay dadka aan awoodin inay si fiican u afuraan laga warqabo, iyo in carruurta Soomaaliyeed oo dhan ay si qurux badan u wada ciidaan oo kuwa aan awoodin la gacan qabto.”

Ugu danbeyntii Madaxweynuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in bishan la is cafiyo, la isu naxariisto, wallaaltinimada iyo midnimada shacabkana la xoojiyo.

SomaliSwiss         Juba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: