Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo culummada ugu baaqay inay Shacabka ku booriyaan ka shaqeynta nabadda iyo ka hortagga Colaadaha .

Mogadishu Mayor Mohamed Ahmed Noor takes death threats in strideMudane, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan oo ah Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho) ayaa  kulan la qaatay culummada Soomaaliyeed  wuxuu ka dalbaday inay ka qayb qaataan sidii shacabku ay ugu boorin lahaayeen sugidda ammaanka ka shaqeynta nabadda iyo ka hortagga Colaadaha.

Mudane Tarsan ayaa sheegay in culummadu ay yihiin kuwo dhaxlay nabiyada sidaa daraadeedna looga baahan yahay inay shacabka uga digaan dhibaateynta dadka, kuna dhiirrigeliyaan ka shaqeynta nabadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu  culummadii ku yiri. “Khudbooyinka masaajidda aad ka jeedisaan dadka waa ku sheekeystaan, waxaa la idinka doonayaa inaad dadka u sheegtaan dhibaatooyinka ay leedahay in qof rayid ah oo aan waxba galabsan la dilo ama la qarxiyo,”.

 Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa culummada u sheegay in sababaha ay ugu yeereen ay ka mid yihiin sidii ay arrinta nabadeynta ula qaadi lahaayeen maamulka, maadaama ay shacabku dhageystaan hadallada ay culummadu jeediyaan.

Mudane tarsan Tarsan wuxuu  hadalkiisa ku daray: “Waxaan doonaynaa in dadka maskaxadooda ay la tageen kuwa doonaya in dalkan ay nabadda u diidaan aad u sheegtaan dhibaatada ay leedahay inuu qofku is-dilo ama uu dilo qof aan waxba u dhimin, waayo waxaad tihiin kuwo dhaxlay ambiyada, mas’uuliyad ayaana arrintan idinka saaran”.

Sidoo kale Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid uu maamulka gobolka kaga hortagayo in Al-shabaab ay inta lagu jirto bishan barakeysan ee Ramadaan dhibaatooyin ka geystaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho inay kala shaqeeyaan ciidamada ammaanka sidii gacanta loogu dhigi lahaa kuwa dhibaatooyinka ka geysanaya caasimadda, isagoo ka digay in shacabku ay guryaha ku qarsadaan kuwa doonaya inay qaraxyo geystaan.

Sida caadada u ah Xarakada Al-shabaab waxay dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa looga bartay marka la gaaro bisha Ramadaan inay kordhiyaan dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo ciidamada gacnta siinaya ee AMISOM.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: