Ergaygga QM ee Soomaaliya oo Ummadda Soomaaliyeed u rajeeyey inay si nabad iyo farxad leh ku Soonto Ramadaankan.

Nicholas KayErgayga Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Middobay u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa u rajeeyey Umadda Soomaaliyeed in ay si nabad iyo farxad leh ku soonto Ramadaankan.

Sidoo kale iyadoo umadda Soomaaliyeed kala qeyb-galeysa Muslimiinta aduunka gudashada bisha Ramadaan ee soonka kariimka ah,  ayuu Mudane Nikolas Kay  yiri: “Bishani waa bishii la cibaadeysan jirey waana waqti ku haboon in laga fakaro arrimaha faraha badan leh ee la doonayo in la qabto si loo adkeeyo guulihii la gaarey dhowaan.”

Mudane Nikolas Kay  ayaa sheegay in Soomaaliya  ay u baahan tahay in ay sii wadaan habka ay ku gaareyso guulo la taaban karo si ay mar walba u hanato niyad wanaagga iyo taageerada uga imaneysa bulshada caalamka.

Hase yeeshee Ergeygga Gaarka ah ayaa wuxuu ku baaqey in laga waantoobo ficillada Soomaaliya dib u dhac u keeni kara kana hor istaagaya in ay hesho maqaamka ay ka mudneyd in bulshada caalamka ee nabadda ku nool.

Gabagabadii Ergeyga Gaarka ah wuxuu yiri: “Waxaan dhammaan unadda Soomaaliyeed u rajeynayaa soon ay nabad iyo farxadi ku dheehan tahay”.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: