Wasiirka Gaashaandhigga oo Beeniyay in ay Dowladdu wadahadal kula jirto Sheekh Muktaar Roobow Abuu Mansuur.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.jpg1Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay wadahadallo kula jirto Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka mid ah hogaamiyaasha sare ee Al-shabaab.

Mudane C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka warqabto khilaafka u dhexeeya hogaanka sare ee Al-shabaab, wuxuuna xusay in ilaa imika aysan jirin wadahadallo rasmi ah oo dhexmaray dowladda iyo Al-shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in ay soo dhaweyn doonaan cid walba oo ka tirsan Al-shabaab oo dooneeysa in ay isu soo dhiibto dowladda Soomaaliya.

Mudane C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi  wuxuu hadalkiisii raaciyay “Dowladdu way soo dhaweeyenysaa cid walba oo Al-shabaab ka tirsan oo ka tanasuleeysa dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan”.

Sidoo kale Masuulkan ayaa sheegay in weli ay soconayaan dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku dooneeyso in Al-shabaab ay uga saarto Soomaaliya, wuxuuna xusay in dhawaan ay bilaaban doonaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab.

Dhanka kale hadalka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno kale oo la socday ay isu dhiibeen maamulka Ximin iyo Xeeb ee bartamaha Soomaaliya, waxaana ay arintaasi ka danbeeysay kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay masuuliyiinta ugu sareeysa ee Xarakada Al-shabaab.

SomaliSwiss        Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: