Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa caawa casho sharaf uu sameeyey Madaxweeynaha dalka Koofurta Suudaan ka qeybgalay.
Xafladdan casho sharafta ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee dalka Koofurta Suudaan, waxaana ka soo qeybgalay Madaxweynaha Bostwana, Madaxweyne ku xigeenka, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Koofurta Suudaan. Sidoo kale casho sharaftan waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihii hore ee South Africa Mbeki iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ethiopia.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyey casho sharaftan Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofurta Suudan Mudane Cabdiraxmaan Nur Dinaari, Xildhibaano Soomaaliyeed, La-Taliyeyaal iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha Koofurta Suudaan Mr Salva Kir oo hadalo kooban ka jeediyey xafladda cashada ayaa uga mahadceliyey madaxdii ka soo qeybgashay casho sharafta, iyo dabaaldegga maalinta xornimada dalka Koofurta Suudaan oo maalinta 09ka July 2013ka labo jirsatey.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu caawa kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan oo uu kala hadlo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, iyo horumarka ballaaran ee ka socda dalka Soomaaliya.
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaala madaxda Dalka Koonfurta Sudan ee Juba. Madaxweynaha Koofurta Sudan, Mr Salva Kir ayaa garoonka diyaaradaha ee Juba ku soo dhoweeyey, iyadoo loo tumay muusikada calanka labada dal, isla markaana kooxaha hidaha iyo dhaqanka ay halkaas ku soo bandhigeen bandhig faneed.
SomaliSwiss       Juba
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.