Madaxweynaha J.F Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Suudaan, isagoo u jeediyay khudbad uu kula dar-daarmay Jaaliyadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ku wehliyey kulankan safiirka Somalia ee dalka Koonfurta Suudaan, Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari), xildhibaanno Soomaaliyeed, la-taliyeyaal iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynuhu wuxuu jaaliyadda ku yiri “Mar walba oo aan la kulmo madaxweynaha, Salva Kir waxuu ii sheegaa in jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggen Koofurta Suudaan ay yihiin jaaliyad ku dayasho mudan oo ay wax weyn kusoo kordhiyeen dalka. Ammaantaas waa mid aad u soo hoyseen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, taasna amaan ayaad ku hesheen ee dadaalkaas sii wada. Waxaan ogahay inaad dalkan aad maal-gashi xoogan ku sameyseen, waana inaad ahaataan mar walba kuwo si wadajir ah wax u qabsada”.
Sidoo kale Madaxweynuhu oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Sharafkan iyo karaamadan aad u soo hoyseen shacabka Soomaaliyeed waxaa jiri kara in kooxaha Al-Shabaab ay idin soo dhex-galaan ee fadlan yaan qabiil iyo cabsi lagu difaacin ee hala iska qabto, hana loo gudbiyo hay’adaha ammaanka Koonfurta Sudan, waayo fikirkooda waa mid lid ku ah horumarka ay shacabka Soomaaliyeed ay gaareen.”
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir uu kala hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa ganacsiga Soomaalida iyo sidii safaaradda loo siin lahaa dhul ay xafiis ka dhisato.
SomaliSwiss Juba
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.