Madaxda dhaqanka Puntland oo Cabdiraxmaan Faroole ku dhaliilay inuu dhinac maray hab sharciyeedkii dadka Puntland ku wada qanci karaan.

Kulan isimadaKulan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah isimadda Maamulka Puntland  ee lagu qabtay Magaaladda Qardho ee Xarunta gobalka Karkaar, Kulankaas loogu arinsanayeey Xaaladda Puntland ee Haatan ay Marayso iyadoo shirka Isimadda Dib u dhacay Kadib geeridii Boqor C/lahi Boqor Muuse.

 Kulan isimada.jpg1Sidoo kale Kulanka isimadda waxaa ka qayb galay Madaxweynihii Hore Puntland Gen Cade Muuse isagoo ka mid ahaa Dadkii ka hadlay Halkaas ee so hadal qaaday Xaalada Puntland iyo waliba Doorashooyinka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali (Gaagaab) ayaa isna sheegay in dimuqraadiyaddu aysan ahayn wax dadka si khasab ah lagu qaadsiin karo, hase yeeshee ay tahay in loo soo maro hab sharci ah oo ay dadka oo dhami ku wada qanci karaan.

Dhanka kale Afhayeenka golaha samata bixinta ee Puntland Maxamed Cilmi Cabdalla oo isna ugu danbeyntii hadalka qaatay, ayaa si aad ah usoo dhoweeyey go’aanka ay isimmadu ku gaareen in 20-ka bisha la isugu yimaado shirweyne wadatashi oo ballaaran.

Hase ahaatee waxaa dhawaan la filayaa in deganadda Puntland ay ka dhacaan Dorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland iyadoo ay jiraan Dad diidan Habka ay Haatan u gudubtay Puntland e Dumuqraadiyadda.

SomaliSwiss        Qardho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: