Xaaladaha Bani’aadannimo ee Magaalada Kismaayo oo walaac ka muujisay hay’adda Q.M. u qaabilsan Bini Aadanimada ee Soomaaliya.

UNXiriiriyaha Qaramada Midoobay Dhanka Bini Aadanimada ee Soomaaliya u qaabilsan Mr:  filippo lazirana ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay aad ugu Walaacsan tahay Xaalada Bini Aadanimo ee Magaalo xeebeedka Kismaayo oo Bishii lasoo dhaafay Dagaal ku dhex maray Maleeshiyaad halkaas ku Wada Sugnaa.

Sidoo kale Mr. Filippo lazirana ayaa sheegay in Dagaalkaas uu Sababay Dhimashada 71 qof  iyo 300 Dhaawac ah oo gabi ahaanba ah Dad Shacab ah oo aan wax Galabsan oo ku Noolaa magaalada Kismaayo, dadkaas oo dhan ay ku dhinteen Kismaayo Muddo Bil ah gudaheed.

Mr. Filippo lazirana waxuu aad ugu Nuux nuuxsaday In dhimashada iyo dagaalka Kismaayo ka dhacay  ay ka dhalanayaan Dhibaatooyin Aad u daran oo dhanka Bini Aadanimada ah, wuxuu yiri ” waxa istaagay dhamaan Talaalkii dabeesha ee Magaalada Kismaayo  ka socday kaasoo Yoolkiisu ahaa in 14 Kun oo qof  oo isugu Jira Da’ walba Cudurkaas laga talaali lahaa”.

Dhanka kale Xiriiriyaha Qaramada Midoobay Dhanka Bini Aadanimada ee Soomaaliya waxa uu sheegay in Cudurka Dabeesha ee Caruurta ku dhaca  uu aad ugu sii faafayo Goboladaas lana xaqiijiyay in 41 qof oo cudurkaas qaba oo laga helay Gobolada Koofureed ee Soomaaliya Labadii Bilood ee lasoo dhaafay ee May iyo June.

Sida aad la socotaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka  Jubbada Hoose ayaa waxaa Bishii la soo dhaafay ay Isku dagaaleen laba  Kooxood oo oo kala taageersanaa ragg kala sheeganaya in ay yihiin Madweynayaasha Maamul Halkaas looga Dhawaaqay.

Balse dagaalka ka qarxay magaalada Kismaayo wuxuu Soconayay Muddo Sadax maalin ah ayaa waxa uu ahaa mid Qalqal galiyay Ummadda Soomaaliyeed ee Halkaas ku Nool kaasoo looga cabsi Qabay in Dagaal beeleed Mar kale Goboladaas ka bilowdo.

SomaliSwiss        Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: