Wafdi Uu Hogaaminyo R/wasaare Saacid oo Saaka U Ambabaxay magaalada Beydhabo ee G/Bay.

Ra'iisul_wasaare SaacidRa’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ‘’Saacid’’ iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay la filayaa iney u ambabaxaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaasi oo ay ka soconeyso qabanqaabada loogu jiro soo dhaweynta Wafdiga Ra’isulwasaaraha.Wafdi uu hogaaminayo R/wasaaraha Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa saaka ku wajahan magaalada Beydhabo ee Caasimada gobolka Baay,  kuwaas oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirada,  Xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka Sida.

R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in magaalada Beydhabo ay kula kulmaan maamulka gobolkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay u dhageystaan talooyinkooda, ku aadan maamulka iyo baahida ay qabaan bulshada ku nool gobolkaasi.

Prof. Saacid ayaa lagu wadaa inuu maamulka iyo bulshada gobolkaasi kala tashado sidii qeybaha ka harsan gobolkaasi looga xoreyn lahaa haraadiga Maleeshiyaadka Shabaab.

R/wasaaraha ayaa sidoo kale la filayaa in booqashadiisu ay qeyb ka tahay sidii gobolkaasi looga hirgelin lahaa qorshahaLixda Bilood ah ee dalka looga xoreynayo maleeshiyaadka Shabaab kaas oo loogu magacdaray Shabeel.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: