Wada hadallada dowladda iyo Maamulka G/Woqooye ee Soomaaliya oo Maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

istanbulMagaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaamaanta si rasmi ah uga furmay wada hadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka G/Woqooye ee Soomaaliya.

Kulanka Shirkaan ayaa wuxuu daba Jooga Wadahadal horay u dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland waxaana Shirkaan garwadeen ka ah dowladda Turkiga oo Marti gelineyso shirkaasi.

Waxaa shalay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga si horudhac ah uga furmay wadahadal u dhexeeya Labada dhinac waxaana goob Joog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u Matalaya shirkaan, halka Maamulka Soomaaliland uu u Matalayo wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga Maamulka Soomaaliland Max’ed Cabdullaahi Cumar.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha Gudaha  C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay shirka saaka Istanbul ka furmaya ee iyaga iyo Maamulka Soomaaliland u dhexeeya.

SomaliSwiss        Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: