Madaxweynaha Soomaaliya oo Saaka ka duulay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,diyaaraddii waday dib ugu soo laabatay Garoonka, iyadoo Ciladeysan..

Madaxweyne xasan-sheekhDiyaaradii uu saarnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo saaka ka kacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa iyada oo dhinaca ka gubaneysa 30 daqiiqo kadib dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho.

Sida lagu soo warramay diyaaraddan ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ka qaaday saaka  saacadda markii ay ahayd 9:10 daqiiqo Garoonka Muqdisho kuna sii jeeday Koofurta Suudaan gaar ahaan Magaalada Jubba ayaa waxaa la sheegay in qeybo ka mid ah taayaradeeda uu dab ka kacay taas oo keentay in Madaxweynaha iyo wafdigiisa dib loogu soo celiyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Diyaaraddaan oo wadatay Calaamadda ah 5Y-SAX  ayaa waxaa la sheegay in laga soo kireeyay dalka Kenya iyadoona dhammaan Wafdiga dowladda ee uu ku jiray Madaxweynaha dib loogu soo celiyay Garoonka iyagoo bad qaba.

Markii ay soo degtay Diyaaradda ayaa intii aan Madaxweynaha ka soo deigin lagu billaabay in la damiyo dabka oo ay hareeraha ka galeen labo dab damis oo joogay Garoonka.

Markii la damiyay kadib ayaa Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ka soo daateen diyaaradda  waxaana la arkaayay Madaxweynaha oo aaney wajigiisa Farxad ka muuqan oo gacmaha jeebabka gashtay , waxaana diyaaraddu taallaa iyadoo taayarada dambe ay baaba’san yihiin gudaha Garoonka Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay u ambabaxayay dalka Sudan,  halkaasi oo Madaxweynaha uu kula kulmi lahaa dhiggiisa dalka Sudan, balse diyaaradii siday ay ciladoowday.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: