Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Salaadii Janaasada ee Marxuum Boqor King-Kong.

Janaasada Boqorka.jpg1War goor dhoweyd naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud uu maanta ka qeyb galay salaadii Janaasada ee Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muse (King-Kong) oo lagu tukadey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Cadde. Continue reading

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrikaoo sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay si buuxda u aqoonsatay Baasaboorka Soomaalida.

Safiirka  Koonfur Afrika Sayid-ShariifSafiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay si buuxda u aqoonsatay Baasaboorka Soomaalida, sida la wada ogyahay Soomaalida ku nool dalka koonfur Afrika ayaa waxay dhibaato adag ku qabeen xilliyada ay ka dhoofayaan dalkaasi Koonfur Afrika, waxayna Dowladda Soomaaliya suurta galisay in koonfur Afrika ay aqoonsato Baasaboorka Soomaaliya. Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ka hadlay dagaalladii ka dhacay Magaaalada Kismaayo iyo Xaaladda Sheikh Xasan Daahir Aweys.

Madaxweyne Xassan-mohamud Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyo xaaladda Sheikh Xasan Daahir Aweys Continue reading

Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga oo ka socda Qaban-qaabada wadahadallo dhexmaraya dowladda Soomaaliya iyo G/Woqooye ee Somalia.

 Xasan Sheikh iyo SiilaanyoWaxaa Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka socota qaban-qaabada wajigii labaad ee wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasoo maalinta berri ah ka furmi doona magaaladaas. Continue reading

%d bloggers like this: