Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la kulmay Wasaaradda Arimaha Gudaha ee dalka South Africa.

South AfrikaWafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu la kulmay Madax Sare oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha ee dalka South Africa,  shirkan oo ka dhacey Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ugu qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Dr Jamal Maxamed Barrow, Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jansiyadaha Genaral C/laahi Gaafow Maxamuud, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika iyo Madaxda Safaaradda.

Dhanka Dowladda Koonfur Afrika waxaa shirkan ugu qeyb galeen, Wasiiradda Arimaha Gudaha dalka Koonfur Afrika, Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jansiyada,iyo Madax ka sotay Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa waxaa loogu hadlayay armo muhiim oo ay dhibaatooyinka Soomaalida gaar ahaan dilalka iyo boobkii ugu dambeyey ee loogu geystay ganacstada Soomaalida,sidii loo aqoonsan lahaa Baasboorka Soomaaliya iyo sidii ay Soomaalida ku nool Koonfur Afrika u heli lahaayeen Daganaasho rasmi ah si ay ugu fududato Socdaalka.

Wasiir ku xigeen Wasaaradda Arimaha Dibadda Dr Jamal Maxamed ayaa waxaa ugu horeyn  u mahadceliyey Dowladda Koonfur Afrika sida ay u qaabisho Qoxootiga Magangalyo Doonka ah, wuxuuna Dowladda Koonfur Afrika ka codsaday in Soomaalida Amaankeeda la sugo isla markaana xill la iska saaro sidii loo badbaadin lahaa hantida ganacsatada Soomaalida loo badbaadin lahaa, iyo sidii Soomaalida loogu fududeyn lahaa Socdaalka.

Waxaan rabnaa in Dowladda Koonfur Afrika naga aqbasho inay dadkeena helaan sharciyo ay ku socdaan aduunka oo dhan si ay u yaraadan dhibaatooyinka ayuu yiri Wasiir ku xigeen Wasaaradda Arimaha Dibadda tan labaad wuxuu intaas uu raaciyey in dadka iskooda u baxaya loo fududeeyo sidii ay ugu laaban lahaayeen dalkooda si sharciyeysan maxaa yeelay Safaaradda ayaa waxey sheegtay in inka badan kun qofood ay rabaan inay dalkooda ku laabtaan.

Sidoo Kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika Danjire Sayid Shariif Cabdullaahi ayaa isna ka codsaday Dowladda Koonfur Afrika inay aqoonsi siiyaan Baasboorada, ayna siiyaan Soomaalida Deganaansho.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay General Gaafow oo Dowladda koonfur Afrika u sheegay in dhibaatooyinka haystay  Soomaalida ku nool wadanka koonfur Afrika ay ahayd baasboor la,aanta.

Dhanka kale Wasiiradda Arr. Gudaha ee Dowladda Koonfur Afrika ayaa soo dhaweysay codsiyda wafdiga Soomaalida, waxyna ballan qaaday in ay aqbali doonto codsiydooda.

Ugu danbeyntii Wasiiraddu waxay sheegtay in Aqbalaadda Baasaboorka Soomaaliya waan soo dhaweynaynaa, waxaana kala shaqeynayaa ayey tiri Safaarada, sidoo kale wadashaqeynta Jaaliyadda waa mid aad u wanaagsan, balse waxay caddeeysay in socdaalka Soomaalida iskooda u laabanaya waa in Safaaradda iyo Hay‘adda Qoxotiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay ka wadashaqeyn doona.

SomaliSwiss      Johansberg

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: