Waxaa ayaamahan ku sugan magaalada Zurich kooxda SIYD ee ka mid ah Ciyaartooyda Wadanka UK, kuwaas oo ka qayb galay Damaashaadka iyo fantasiyaha loo sameeyey munaasabadaha kala ah Xiritaanka Dugsiga Al.Nuur  iyo  Maalinta Qarannimada Soomaaliya ee 1da Luliyo.
kooxda SIYD ee ka socotay dalka Ingriiska (UK) intii ay joogeen magaalada Zürich ee dalkan Switzerland waxay marti sharaf u ahaayeen Guddiga Jaaliyadda Zürich, waxayna doon ku dhexmareen magaalada oo dhan.
kadibna waxaa qado sharaf iyo cashaba loogu sameeyay xaruunta Somali Football FC Zurich, halkaas oo ay ka hadleen maamulka iyo marti sharafkiiba iyo weliba dhalinyaradii labada kooxood., kuwaasoo ay ka mid ahaayeen goalhayihii Qaranka Biyooley, Cashara, Cabaas, Buuwe, Bashiir Gutaale iyo Xuseen Deeq.
Magaalada Zurich waa meel aad u qurux badan oo aan kula kulanay jaaliyad Soomaaliyeed oo jecel horumarinta isboortiga iyo kale faa‘ideysashada jaaliyadaha isboortiga ee degan wadamada Yurub.
Kooxda waxay joogtaa maalintii labaad Jugendherberge Zurich oo ah degaan loogu talagaley dhalinyarada, halkaas oo ah goob ay yaalin wax walbo u baahan yihiin dhalinyarada.
SomaliSwiss     Zürich
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.