Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Gudi loo Saaray Eedeeymaha loo soo Jeediyey Ciidamada Kenya ee ka howlgala magaalada Kismaayo.

Amisom Col_-XaamudAfhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga africa  AMISOM Col Cali Aadan Xaamud oo wareysi gaar ah siiyey radiyo muqdisho ayaa waxa uu ugu horeyn wax uu bulshada soomaaliyeed ugu hanbalyeeyey 1 luuliyo oo ku beegneyd markii ay gobollada koonfurta ee soomaaliya xornimada ka qaadateen gumeystiihi talyaniga  iyo midowgii gobollada goonfureed iyo kuwa waqooyi.

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM Col Cali Aadan Xaamud ayaa waxa uu faah fahin ka bixiyey arrimaha la xiriira in ciidamo ka tirsan nabad ilaalinta AMISOM  gaar ahana ciidamada dowlada kenya  ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay magaalada kismayo ee xarunta gobolka jubbada hoose waxana uuna sheegey afhayeenku in loo saaray gudi baaritaano la xiriira arrimahaasina ay socdaan.

Sidoo kale hadalkan afhayeeka Ciidamada AMISOM ayaa imanaya xili Maalmihii ugu danbeyey ey bulshada soomaaliyeed caro iyo qeylo dhaanba ka muujiyeen ciidamo ka tirsan dowlada kenya oo la sheegay inay duqeymo dad  shacab ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen kuwo kalana ku barakaceen ka geeysteen magaalada kismayo.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: