Xildhibaanada Baarlamanka oo u furmay Kalfadhi aan caadi aheyn oo socon doona Sodon maalmood ah.

Barlamaanka Cusub.jpg2Xildhibaanada golaha Barlaamanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta u furmay kalfadhi aan caadi aheyn kaasoo inta uu socdo lagu dhameystiri doono hindisa sharciyadeedyo ay xukuumadu usoo gudbisay baarlamanka Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Cabdi Ciyoow oo ah Agaasimaha guud ee Barlamaanka ayaa Warbaahinta Muqdisho u sheegay in marka uu dhamado kalfadhigan 30 Maalmood kadib uu barlamanku geli doono bil fasax ah.

Agaasimaha guud ee Barlamaanka wuxuu sheegay in Kalfadhigii labaad ee Baarlamanka uu Madaxweynaha xiray shalay, wuxuuna sheegay in  maantana ay bilaabmaya kalfadhi aan caadi aheyn oo socon doona Sodon  maamood ah, kadibna bil fasax ah ay Xildhibaanadu geli doonaan.

Agaasimuhu oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaasi raaciyay in baarlamanka ay horyaalaan dhowr iyo Toban hindise sharciyeed oo ay xukuumadu usoo gudbisay, waana tan Baarlamanku ku doonayo in uu dhameystiro howshaasi si ay xukuumada ugu fududaato howlaheeda, sidoo kale Agaasimaha ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in sharciyada horyaala Baarlamanka ay ku dhameystiri doonaan muddo bil ah.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: