Xaflad lagu Xusayey Maalinta 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Zürich ee dalka Switzerland.

1da Luliyo.jpg18Waxaa habeenkii xalay  ahayd ee ku beegneyd 1-da Luulyo si weyn looga dabaal dagay magaalada Zürich  ee dalkan Switzerland munaasabada 1-da Luulyo oo ah maalin ay si weyn u qadiriyaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan.

1daMunaasabadan oo ilaa shalay iyo Xalay ka socotay ayaa waxaa ka soo qayb galay Boqolaal Jaaliyadda Soomaaliyeed ah ee ku nool Kanton Zürich ee dalkan Switzerland, waxaana Halkaasi ay isugu Jeediyeen Shacabka Soomaaliyeedna ugu Hambalyeeyeen Munaasada ku aadan 1-da Luulyo oo ah Malinta Xornimada Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo Israacii Goboladii Waqooyi iyo Koonfur.

Xafladdan ayey ahayd munaasabd lagu weynaynayo Maalinta qarannimada Soomaalida wana tii  ugu horeysay nooceeda ah ebed ee  ka dhacda gobalka  Zürich ee dalkan Switzerland oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Fulinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Züzich oo, waxaana xafladaas si wada jir u maamulayey Guddiga Jaaliyadda  iyo Maamula Dugsiga Al-NUR, hase yeeshee waxaa dad badan ay filayeen iney xafladaas aysan qabsoomi karin, haddana si aad uga farxeen dad badan oo Soomaali ah.

1da Luliyo.jpg6Ugu horreyntii waxaa xaflada furtay gudoomiyaha Jaaliyadda Marwo Xaawa Nuur Muudey oo  habeenkii xalay ahayd Khudbad taariikhi ah ka jeedisan ayaa waxay ku muteystay sharf iyo balan qaadyo badan oo dadkii munaasabaddaas isugu yimid, ballanqaadaas oo ahayd in wixii hadda ka danbeeya iney garab taagan yihiin Hoggaanka Jaaliyadda, wax allaale wixii lagu mideynayo Soomaalida ku dhaqan Kanton Zürich, waxaana halkaas .

1da Luliyo.jpg5Waxaa munaasabaddaas ka soo qayb galay marti ka  mid ahaayeen  Guddoomiyayaasha Kantoonada Bern, Basel, San Galen Luzern iyo Shirkadda Somali Migrant Remittance (SMR), shirkaddan oo kulmisa Xawaaladaha ka jira Dalkan Switzerland, waxaa kaloo munaasabaddaas Khudbado ka jeediyeen Waxgaradka kanton Zürich Mudane Oday Maxamed Xaaji Abò, Xaashi yaasiin, waxayna dhammaan dadkii ka hadlay khudbadahooda ku saabsan 1da Luliyo, waxayna halkaas ay ka caddeeyeen in welideed lagu qaban munaasabad tan la mid dalkan Switzerland, waxayna Ammaan u soo jeediyeen Jaaliyadda Kanton Zürich.

1da Luliyo.jpg4Sidoo kale munaasabadaa ka hadlay Guddoomiye  ku Xigeenka Jaaliyadda Kanton Zürich  Dr. Axmed Dhicisow Daauud oo halkaas uga warbixiyey ka soo qayb galayaasha Waxqabadka Guddiga  Jaaliyadda, isagoo sheegay in dad badan ay qabeen in Guddigu uu waxba u qaban bulshada Soomaaliyeed ee Kanton Zürich, sidoo kale  wuxuu goobtaas ka muujiyey Muuqaallo Sawir ah oo la xiriira waxqabadka dadka iyo daryeelka ee uu Guddiga Jaaliyadda Zürich ku dhaqaaqay muddadii koobnayd eeuu jiray.

Xafladda Munaasabadda 1da luliyo ayaa waxay billaabatay 10ka Aroornimo  ee 30ka Juun, waxayna dhammaatay 24ka saqda dhexe ee 1da Luliyo oo CALANKA BULUUGGA ah la saaray.

1da Luliyo.jpg141da Luliyo.jpg151da Luliyo.jpg13Maalinnimadii hore ilaa 18ka saac waxaa garoomada ka socday Ciyaaro ay ka mid ahaayeen Kubadda Cagta oo ay ciyaarayeen dhallinyaro ciyaartooy ah oo ka kala socday Afar kooxood waxaana ka mida Laba Kooxood oo Zürich iyo laba Kooxood oo ka kala socday Dalka UK iyo mid ka socotay Kantn Luzern ah, waxayna u ciyaareeb laba iyo labo, waxayna iska horimaadka Ciyaarahaas ay kala ahaayeen Sidatan, kooxda UK iyo Kooxda J.Zürich waxayna Ciyaartooda ku dhammaatay  4 – 3.

 1da Luliyo.jpg111da Luliyo.jpg17Sidoo kale Ciyaarta kale waxay ahayd  Koxda Qaranka Zürich iyo kooxda Luzern oo ciyaartooda ku dhammaatay 11 – 4, waxaana lagu bixiyey abaal marinno iyo Koobabkii loogu talagalay Munaasabaddaasr, waxaa kaloo jiray ciyaaro kale  oo ka mid ahaa Kubadda Baskadka, Jawaan ku oradka, Dheri Jibiska, kuwaas oo loo sameeyey Ardeyda Dugsiga Al-Nur.

Ugu danbeyntii waxaa ammaan mudanKooxaha Fanka, fanaaninta iyo Hal-abuurka Abwaaniinta ee  Kanton Zürich oo halkaas ku soo bandhigeen kaalinta mugga leh  ay ka qaateen Munaasabadda 1da Luliyo iyo sida wadajirka ah ee  ay  isku soo abaabuleen, waxayna dadweynihii ka soo qayb galay Munaasabaddaas ay ku caweeyeen Muusikadii dhumucda lahayd iyo heesaha waddaniga ahaa ee halkaas la qaaday, waxayna xafladda Munaasabaddaas ku dhammaatay Reynreyn iyo Jawi wanaagsan.

1da Luliyo.jpg81da Luliyo.jpg9SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: