Dalka Imaaraatka oo maanta lagu soo gabagaabeeyey Shir looga hadlayey sharci Isgaarsiinta Soomaaliyeed.

Somali_TelecomShir looga hadlayey sharci  Isgaarsiinta Soomaaliyeed  oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan shirikadaha Isgaarsiinta Soomaaliya, wafdi ka socda dowladda Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayey Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta iyo xubno ka socda hay’adda Isgaarsiinta adduunka ee ITU iyo GSM ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey  xaruunta  Isgaarsiinta ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Somali_Telecom2Shirkan ayaa ahaa kii lixaad oo ay isugu yimaadaan shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed iyo dowladda, kaasoo ujeedadiisa ay ahayd sidii  sharci loogu dajin lahaa ku dhaqanka isgaarsiinta Soomaaliya oo aan sharci la hayn tan iyo intii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Qabanqaabiyaha shirkan Prof. Maxamed Ibrahim  ayaa si weyn uga warbixiyey muhimadda ay leedahay in dalka Soomaaliya uu yeesho sharci kala haga isgaarsiinta, wuxuuna ka codsaday ka qaybgalayaasha in ay fikirkooda ku darsadaan sharcigan dhawaan la hordhigidoono baarlmaanka Soomaaliyeed si loo ansixiyo.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliyeed Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo u waramayey Warbaahinta ayaa ku ammaanay sharikadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed horumarka ay ku talaabsadeen intii uu dalka burbursanaa, balse  sharci kala haga ayaan jirin ayuu yiri Ciilmooge, sidaas daraadeed waxaa dhacday in si xun loo isticmaalay waxa loo yaqaana “SPECTRUM MANAGEMENT” oo ah sharci u dajinta maamulka Radio frequency.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in haddii Sharci loo dajiyo Isgaarsiinta wuxuu daryeelayaa danaha isticmaalayaasha (Customers) iyo sharikadaha isgaarsiinta, dowladuna waa in u dhexeeysaa labadooda. Qorshaha dowladdana ma ah in ay faraha la gesho isgaarsiinta” ayuu yiri mudane Ciilmooge.”

Somali_Telecom1Khubaro  ka socda hay’adda Isgaarsiinta adduunka ayaa soo dhaweeyey shirkan waxayna ballan qaadeen in dowladda Soomaaliya ka kaalmeyndoonaa sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliyeed iyo hay’adaha isgaarsiinta. Dowladda Soomaaliya ayaa bishii December ee Sannakii hore waxay xubin buuxda ka noqotay hay’adda Isgaarsiinta Adduunka ee loo yaqaano INTERNATIONAL TELECOMMUNICATION UNION (ITU).

Dhanka kale Qaar ka mid madaxda Isgaarsiinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wada maamulin dalka oo dhan taasna ay dhibaato ka immaan karto haddii la rabo in sharciga laga wada hirgalyo dhammaan dalka oo dhan ayaga oo mitaal u soo gaatay goobaha ay ka taliyaan Shabaab.

Waxaa kaloo Shirkaas Ka hadlay Peter Lange oo madax ka ah sharikadda “Intelligent Network” ee uu fadhigeedu yahay dalka Australia ayaa sheegay in ay muhiim tahay in sharci loo dajiyo isgaarsiinta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in tartan xoogan ee dhanka isgaarsiinta uu maanta ka jiro geeska Afrika. Sharikadaha Isgaarsiinta  Soomaaliyeedna uu dib u dhac ku immaandoono haddii aysan dowladda u dajin sharci kala haga.

Shirkan ayaa waxaa lagu caddeeyey  in ka badan 4.7 million oo Soomaali ah ay isticmaalaan adeega isgaarsiinta Soomaaliya. Sharikadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ayaana lagu tilmaamaa in uu halkaas ka soo galo dhaqaale baaxadle, lana soo gaaray waqtigii ay dowladda ka qaadan lahayd canshuur.

Si kasta ha ahaatee gebagebadii Shirka ayaa waxay sharikadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyey Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Ceelmooge ayaga oo ku ammaanay heerka uu soo gaarsiiyey sharci u sameynta isgaarsiinta Soomaaliya. Waxayna hoosta ka hariiqeen in ay muhiim tahay in la helo sharci ay ku dhaqmaan isgaarsiinta. Waxayna isku wada af-garteen in muddo gaaban guduhood la meel mariyo sharci ay ku wada dhaqmaan dhammaan isgaarsiinta Soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan.

SomaliSwiss      Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: