Haddii Wadahadallada u socda Dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe, lagu aqoonsado Madaxweyne Jubbaland, waa burburka Dowladnimo.

Sheikh Axmed MadoobeDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay la wadaa hoggaamiye beeleedka isku magacaabay inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, sidii ay ugu qancin lahayd inuu soo raaco tubta toosan ay Umadda u hayaamayso, si xal loogu helo xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo oo haatan ka socda gacan ka hadal.

Balse haddii Wadahadallada u socda Dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe, loogu aqoonsado inuu yahay Madaxweyne Jubbaland, waxaa la aqoonsaday QABIIL, waana burburka Dowladnimo.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa siyaasiyiin reer galbeed ah iyo kuwo ka soo jeeda gobolka Geeska Afrika ayaa waxay sheegtay in Wadahadalladan uu yahay mid ay dowladda Soomaaliya ku doonayso inay xiisadaha jira meesha kaga saarto.

Sida la wada ogsoon yahay magaalada Kismaayo ayaa waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka socday dagaallo u dhexeeya taageerayaasha, Sheekh Axmed Madoobe iyo xubnaha kale ee kula muransan hoggaaminta maamulka Jubbaland.

Sida  warbaahinta ay sheegtay dagaallada Kismaayo ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo shacab ah, iyadoo sidoo kale waxaa dagaalkaas ku dhintay ciidamadii dagaalku u dhexeeyay, isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa la dhigay dhaawacyo fara badan oo ka dhashay dagaalkaas.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, Inj Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo isna la hadlay Reuters ayaa sheegay in dowladdu ay doonayso inay heshiis la gasho Sheekh Axmed Madoobe, balse aysan go’aansan xilka uu qaban doono.

Dhanka kale Siyaasiyiinta u dhuundoloola arrinta Jubbaland ayaa qaba in dowladda Soomaaliya ay ku qasban tahay inay wadahadal la furto hoggaamiyaha Raaskambooni, si ay xal ugu hesho dhibka ka aloosan Jubbooyinka oo ka mid ah deegaannadii laga qabsaday Al-shabaab.

Si kasta ha ahaatee ilaa iyo haatan Hoggaamiye beeleedka Axmed Madoobe ayaa wali uusan arrintan ka hadlin, haddana waa mas’uul inta badan ku adkeysanaya inuu yahay Madaxweyanha maamulka Jubaland ee bishii hore looga dhawaqay Kismaayo.

SomaliSwiss            Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: