Maraykanka oo Codsatay in loo soo gacan geliyo Xasan Daahir iyo Itoobiya oo soo dhaweysay gacan ku soo dhigidda hogaamiyihii hore Xisbul islaam.

usaSomaliaFlagWasaarada arimaha dibada xukuumada Itoobiya ayaa soo dhaweysay gacan ku soo dhigista hogaamiyihi hore kooxda Xisbul islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys maalmo kadib markii uu isaga oo ka soo baxsaday magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose kadib markii uu magaladaasi ka dilaacay dagaal u dhaxeya xarakada Al-Shabaab.

Bayaan ay soo saartay Wasarada ayaa lagu soo qoray barta internetka ay leedahay  waxayna ku tiri: “ in hada maamulka Ximin iyo Xeeb ay kala xaajonayaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyo kale sida laga yeli lahaa mustaqbalka dambe ee Sheekh Xasan Daahir Aweys kaasi oo lagu tiriyo inuu yahay hogaamiye ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.


Sidoo kale Wasarada Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa waxay hadalkeeda ku dartay in Madaxweynaha wadanka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xaqijiyay in Xasan Daahir la keenayo Muqdisho si loo Maxkamdeeyo, sidoo kale wasarada arrimaha dibada Itoobiya ayaa waxa ay tilmaantay inay jirto arrintaas .

Dhinaca kale warbixino kale ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu Codsaday in gacanta loo soo galiyo marka loo eego isagoo horey ay dowladaasi ugu dartay liiska argagexisada ee dadka uu doon doonayo Maraykanka tan iyo bishi November sanadii 2001-dii.

SomaliSwiss      Addis – -Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: