Wadahadallo la xiriira arrinta Sheekh Xasan Daahir oo weli ka socda Magaalada Cadaado iyo Sheekha oo diiday in loo Wareejiyo magalada Muqdisho.

Somalia Insurgent Groups

 Wararka laga helayo degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu diiday in xildhibaanno iyo waxgarad  ka tirsan degmada Cadaado oo shalay gaaray degmadaasinuu Muqdisho u soo raaco.

Xildhibaanadan iyo odayaashan oo shalay gaaray Cadaado ayaa la kulmay Sheekh Xasan Daahir, waxaana ay ka dalbadeen inuu u raaco Muqdisho, iyadoo la sheegay inuu diiday haddii aanu u tagay Muqdisho si maamuus ku jiro.

Hase ahaatee Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inuusan doonayn in isagoo sidii maxbuus ah uu tago Muqdisho, balse uu tagi doono haddii si weyn loogu soo dhaweynayo iyadoo la maamuusayo.

Sidoo kale degmada Cadaado ayaa ilaa xalay waxaa ka socday wadahadallo Sheekh Xasan Daahir looga dhaadhicinayo inuu wafdigan isugu jira dowladda iyo odayaasha dhaqanka uu u raaco Muqdisho.

Balse Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir uu hadda qayb ka yahay wadahadalllada lagu doonayo inuu ugu wareego Muqdisho, iyadoo uu afhayeenka maamulkaas shegay in joogitaanka Sheekh Xasan Daahir uu culeys ku yahay deegaankooda iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Wafdigan xildhibaanada iyo odayaasha ah ee gaaray Cadaado ayaa waxaa hoggaaminaya Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xubnaha ka mid ah Yuusuf Indhacadde.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ayaa ugu baaqay maamulka Ximan iyo Xeeb inay Sheekh Xasan Daahir u gacan-geliyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

SomaliSwiss        Cadaado

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: