Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha  iyo KaaliyeMadaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta  Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in imaashada Kaaliyaha magaalada Muqdisho ay muujinaysan in Soomaaliya ka jirto nabad, wuxuuna intaas raaciyey  in imaanshihiisa ay dowladda Soomaaliya  macno weyn ugu fadhiyo.

Madaxweynaha iyo Kaaliye_UNMadaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dowladdu aad bay u soo dhaweyneysaa booqashadan Mr Feltman oo macno weyn ku fadhida, tusineysana sida ay Qaramada Midoobay u garab-taagan yihiin kaddib weerarkii 19-kii Juun ay Al-shabaab ku qaadday xaurnta UN-ka ee Muqdisho. Ujeeddada Al-Shabaab waa inay argagax-geliyaan shacabka Soomaaliyeed iyo shaqaalaha UN-ka oo u yimid Soomaaliya inay shacabka saacidaan. Hase ahaatee, booqashadan waa calaamad xooggan oo tusinaysa Al-Shabaab inaysan marnaba gaari karin ujeeddooyinkooda argagaxa ah”.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Mr Feltham booqashiisa Muqdisho oo ah tii labaab oo sannadkan gudihiisa uu ku yimaado dalka, isagoo warbixin kooban ka siiyay Mr Feltman horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay ee dhanka siyaasadda, amniga, hay’adda cusub ee UNSOM iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna mas’uulka ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay ee arrimaha siyaasadda, Jeffrey Feltman ayaa maanta booqasho ku yimid Muqdisho si uu u muujiyo in Qaramada Midoobay ay sii wadayso howlaha ay Soomaaliya ka hayso, kaddib markii dhawaan la weeraray xarunta UNDP ee Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay sii wadaan taageerada ay u fidiso dowladda iyo dadka Soomaaliyeed. Weerarkii lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay Toddobaadkii horena uusan niyad-jab ku keeni doonin.

Weerarkaas oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi, waxaa sidoo kale qaraxaas ku naf-waayay shacab fara badan.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Feltman ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Mahmuud, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku waxyeelloobay weerarkii lagu qaaday toddobaadkii hore xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu yiri: “Waxaan waligeena laabta iyo maanka ku hayn doonaa shaqaalaheennii lagu dilay weerarkan naxariis darrada ah, xusuustanna waa mid xoojinaya go’aan aan ku gaarnay inaan kasii shaqeyno Soomaaliya. Qaramada Midoobay lama cabsi-gelin doono, waxaana naga go’an inaan joogno oo aan la Soomaaliya kasii shaqeynno si ay dadka Soomaaliyeed u gaaraan mustaqbal ifaya”.

Feltman oo shaqaalaha UN-ka ee jooga Soomaaliya la hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Waxaan aad iyo aad ugu faanaynaa qof kasta oo idin ka mid ah, waan idin kugu ammaanayaa geesinimadiinna iyo hawl-jeceylkiinna.”

Sidoo kale, kaaliyuhu wuxuu ka hadlay amniga iyo tallaabooyinka loo qaaday bad-baadinta hawlgallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay Soomaaliya ka shaqeynayeen 22-kii sano ee colaaduhu dalka ka jireen ayna howlahaas sii wadayaan iyagoo aan wax cabsi ah qabin.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay intii uu kaaliyuhu ku sugnaa Muqdisho, iyadoo la xiray waddooyinka soo gala xarunta AMISOM ee Muqdisho iyo weliba garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: