Jen. Cabdi Qeybdiid oo ka digey shirqoolada uu ku soo kordhin karo Xasan Daahir shacabka degan gobolada dhexe.

Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) 1Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ah Madaxweynaha maamulka Galmudug State ayaa saxaafadda gudaha la hadlaayay, wuxuuna ka digay dhibaato cusub oo uu sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ka dhex abuuri karo shacabka ku nool gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Galmudug wuxuu sheegay in Xasan Daahir lagu yaqaano hal adeegnimo iyo inuusan ka tanaasulin mowqifkiisa sidaas awgeedna ay suuragal tahay inuu shacabka gobolada dhexa iska horkeeno.

Jen. Cabdi Qeybdiid“Anagu waxaan kaa digeynaa dhibaato uu Xasan Daahir ka abuuro gobolada dhexe, ninkaas ma ahan nin naxa iyo nin talada eega, nin waxa uu qabo ka leexdana ma ahan waxaan ka digeynaa shirqoolada uu soo kordhin karo shacabka gobolada dhexe degan” ayuu yiri.

Madaxweynaha maamulka Galmudug  ayaa sheegay in Xasan Daahir uusan illaa hadda ka bixin Al-Shabaab, uuna yahay weli xubin ka tirsan ururkaas isagoo sheegay in loola dhaqmi doono sida uu u dhaqmo iyo waxa uu ku hadlo.

Sida lagu soo warramay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo saraakiil la socotay oo gaaray degmada Cadaado ka dib markii ay xalay soo qabteen ciidaamo ka tirsan maamulka Ximan & Xeeb, isagoo halkaasi u jooga sababo la xiriira khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo hogaamiyaha Al-Shabaab.

SomaliSwiss       Gaalkacayo

SomaliSwiss@hotmail.om

%d bloggers like this: