Dagaalkii ka qarxay Kismaayo oo keligiis joogsaday balse weli ay jiraan xiisad u dhaxeyso dhinacyadii dagaalamay.

Kismaayo.jpg4Dagaalkii maanta ka qarxay Kismaayo ayaa la soo sheegay inuu keligiis joogsaday, balse weli magaalada ay ka jiraan xiisado colaadeed oo u dhexeeyay dhinacyadii dagaalamay.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof oo mid ka mid ah uu yahay shacabka halka saddexda kalena ay yihiin dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay.

Maleeshiyooyinka dagaalamay ayaa waxay kala taageersan yihiin Col. Barre Aadan Shire Hiiraale iyo maamulka Axmed Madoobe, waxaana la sheegayaa in ciidamadu ay hadda ka fogaadeen goobihii ay ku dagaalameen, balse ay weli jirto xiisad kacsanaan ah.

Goobjooge ku sugan Kismaayo ayaa HOL u sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus ayna magaalada qaybo ka mid ah ku dhaceen madaafiic ay dhinacyadu isku adeegsanayeen, inkastoo aysan jirin khasaare ay geysteen.

Isbitaalka Kismaayo ayaa la dhigay dhaawacyada dad ka badan shan qof oo intooda badan ay ahaayeen shacab ku dhaawacmay rasaasta ay dhinacyadu isku adeegsanayaan, iyadoo sidoo kalena xarunta gobolka oo xarun u ahayd idaacadda Kismaayo ay ciidamada dagaalamay qaarkood saldhig ka dhigteen inkastoo ay idaacaddu weli hawada ku jirto.

Sidoo kale, qof u warramay warbaahinta ayaa wuxuu  sheegay in magaalada oo dhan ay faaruq tahay oo ay ku sugan oo keliya ciidamadii iska soo horjeeday oo ku hadda ku kala sugan saldhigyadooda, cabsi weynna ay jirto.

Sida lagu doo warramay in Dagaalkan uu ka billowday gaadiid la kala dhacay, iyadoo mas’uuliyiinta ay kala taageersan yihiin labadan ciidan aysan ka hadlin dagaalka iyo wixii uu geystay oo khasaare ah.

Si kasta ha ahaatee ma jiraan wax waan-waan ah oo socda si dagaalka loo joojiyo, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa colaadaha tan iyo billowgii bishan ka taagnaa gudaha magaalada Kismaayo oo ay horay ugu dagaalameen taageerayaasha Sheekh Axmed Madoobe iyo kuwa Iftin Xasan Baasto oo ku murmay xilka hoggaamineed ee maamulka Jubaland oo bishii May looga dhawaaqay magaaladaas.

SomaliSwiss      Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: