Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb oo shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sheikh Xasan Daahir AweysAfhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa shaaa ka qaaday in xalay saqdii dhexe uu isu soo dhiibay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xubin sare ka ahaa ururka Al-shabaab islamarkaana hore u hogaamin jiray ururkii burburay ee la magac baxay Xizbul Islaam.

Sheikh-Xasan-daahirSida la wada ogsoon yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Xubno uu hogaaminayo ayaa waxaa dhawaan isaga soo cararay degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose, waxayna arintaasi ka danbeeyay kadib khilaaf soo kala dhexgalay xubno uu kamid yahay Sheekh Xasan Daahir iyo masuuliyiinta ugu sareeysa ee Al-shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb Max’ed Cumar Xagafeey oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-soomaaliya ee VOA ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Sheekh Xasan Daahir Aweys, wuxuuna xusay in xalay saqdii dhexe uu isu dhiibay maamulkaasi.

Mudane Max’ed Cumar Xagafeey oo ku hadlaayey magaca Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir iyo ciidamadii la socday ay soo gaareen deegaanada dhanka xeebta ee maamulka Ximin iyo Xeeb, wuxuuna sheegay in isa soo dhiibidiisa ay ka danbeeysay wada hadal badan iyo ishorfadhi badan oo dhexmaray ciidamada maamulka iyo kuwii uu watay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Dhanka kale mar la weeeydiiyay in uu jiray wax dagaal ah oo dhacay kahor isa soo dhiibidda Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu masuulkan caddeeyey in  hadal badan iyo dood badan iyo is-horfadhi badan  kadib isa soo dhiibay  wax xabad ahna kama aysan dhicin isa soo dhiibkiisa.

Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb wuxuu intaa ku daray in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu imika ku jiro gacanta madaxweeynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Max’ed Baarleex.

Hase ahaatee Masuulkan ayaa waxa la weeydiyay sida ay ka yeeli doonaan Sheekh Xasan Daahir Aweys mar hadii ay gacanta ku dhigeen ayuu sheegay in maamulka Ximin iyo Xeeb uu qeyb ka yahay dowladda federaalka ee Soomaaliya islamarkaana ay marin doonaan waxa ay ka qabto shuruucda caalamiga ah ee dadka isa soo dhiiba ama la qabto.

Sida horay loo sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu maalmo ka hor kasoo baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose kadib markii uu dhawaan halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidamo ay wateen masuuliyiin uu isagu ka mid yahay iyo askar kale oo iyaguna ka tirsan Al-shabaab islamarkaasina ka amar qaata madaxda sare ee Xarakada Al-shabaab, waxaana intaasi ka dib Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno uu hogaaminayo ay deegaanka Baraawe uga baxsadeen doomo iyagoona u jiheeystay dhanka gobollada dhexe ee Soomaaliya oo ah halka imika la sheegay in uu iska dhiibay.

SomaliSwiss       Cadaado

SomaliSwiss@hotmail.om

%d bloggers like this: