Wasiirka Gaashaadhiga Soomaaliya oo sheegay in hadda la helay Ciidamadii ka saari lahaa Al-Shabaab deegaanada ay maamulayaan.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya1Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji (Fiqi) ayaa sheegay in ciidamadii shalay tababarka loogu soo gaba-gabeeyey Muqdisho ka sugayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Al-Shabaabka dawladda kasoo horjeeda ee dagaalada kula jira.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo la hadlaayay ciidamo uu tababar u soo xiray wuxuu yiri: “Ciidamadaan waxay yihiin kuwo tababarkooda kadib ay ka sugayaan sidii ay uga difaaci lahaayeen dawladda iyo shacabkaba Al Shabaab”.

Ciidankan ayaa waxaa muddo dhowr biloood ah tababar uga socday Xero ku taalla deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho, waxaana halkaas ku sugnaa Saraakiishii  loo soo idleeyey in Ciidamadaay siiyaan tababar tayeeysan iyo  sidii Ciidamadaas ay dalka u difaaci lahaayeen.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa wuxuu ku faanay in ciidamadan ay noqon doonaan kuwii soo afjari lahaa dagaalka lagula jiro Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: