Wafdi uu horkacayo Wasiirka warfaafinta oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Wasiirka WarfaafintaWafdi uu horkacayo Wasiirka warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeda dalka Jabuuti, isagoo Dalaka uga qayb qaadanayo Xuska maalinta qarannimada dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa la filayaa in dalka Jabuuti uu kaga qeybgalo shir looga hadlayo horumarinta Af-soomaaliga, isagoona sidoo kale ka qeyb qaadan doono xuska maalinta xoriyadda dalka Jabuuti oo la filayo in la qabto 27-ka bishan.

Wasiirka ayaa waxaa sagootiyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta, waxaana wasiirka oo warbaahinta kula hadlay garoonka uu ka warbixiyay safarkiisa.

Mudane Ciilmooge ayaa sheegay in dalka Jabuuti uu uga qeybgali doono shirka looga hadlayo Af-soomaaliga, isagoona sidoo kale xusay in uu ka qeybqaadan doono dabaaldegga maalinta xoriyadda dalka Jabuuti oo dhici doonta 27-ka bishan.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Wasiirku ayaa la filayaa in marka uu ka qeybgalo shirarka ka dhici doona dalka Jabuuti in uu u ambabaxo dalka isu tagga imaaraadka carabta, halkaasoo uu uga qeybgali doono shir looga hadlayo isgaarsiinta kaas oo lagu qaban doono magaalada Dubai ee xarunta dalkaasi.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta boostada,isgarsiinta  iyo gadiidka C/llaahi Cilmooge Xirsi oo la hadlay warbaahinta qaranka intii uu ka ambabixin garoonka diyaaradaha ayaa si fahfahsan ugu hadlay safarka shaqo uu ku tagayo dalka Jabuuti,isago sheegay in ka qeybgalka shirka looga hadlayo af soomaaliga uu ka qeyb gali doono dabaaldagga maalinta xurriyada dalka Jabuuti oo ku began 27ka bishan.

Dhanka kale Shirka ka dhacaya dalka Jabuuti ayaa waxaa looga hadli doonaa hormarinta afka soomaaliya iyo dhaqanka kadibna waxa uu wasiirku u ambabixi donaan magaalada Dubai ee  xarunta dalka isu tagga imaaraadka carabta oo uu ka dhacayo shir looga hadlayo isgaarsiinta.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: