Wafdi uu Hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Maanta gaaray Magaalada Baladweyne.

Wafdi  wasiirrka difaacaWafdi uu hoggaaminayay wasiirrka difaaca ee xukuumadda Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooble, xildhibaanno iyo  guddoomiyaha maamulka  gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo maalmihii ugu danbeeyay howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdi  wasiirrka difaaca.jpg1Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada dowladda  iyo kuwa cidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM iyaga oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka gobolka iyo kuwa Jabuuti oo lagu sii diyaariyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Mas’uuliyiinta oo u soo taalaabay gudaha magaalada ayaa la kulmay soo dhaweyn heerkeedu sareeyo, iyadoo hareeraha wadada dheer ee isku xirta garoonka iyo magaalada isugu soo baxeen dadweyne isaga kala yimid xaafadaha magaalada oo soo dhaweeynayay wafdiga ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka oo maalmihii ugu danbeeyay howlo shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa la sheegay inay kulan gaar ah ay wada qaateen wafdiga iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan waxaa ay uga warbixiyeen ujeedada socdaalkooda magaalada Baladweyne.

Mudane Cabdi Faarax Laqanyo oo ah Guddoomiyaha maamulka gobolka ayaa  ugu horeyntii hadalka qaataywuxuuna sheegay in todobaadyadii ugu danbeeyay uu safar shaqo ku joogay magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in ay kulamo kala duwan yeesheen mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlleen xaalada gobolka, waana tan keentay ayuu yiri in wafdi uu horkacayo wasiirka gaashaandhiga soo gaaraan magaalada Baladweyne.

Sidoo kale Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubad Rooble oo hadalka qaatay ayaa cabiray sida uu ugu faraxsan yahay in booqashadii labaad uu ku soo gaaro magaalada Baladweyne, waxaana uu siweyn u amaanay shacabka ku dhaqan magaalada oo sida uu sheegay  ah shacab dowladnimada jecel.

Mudane Dayib Dubad Rooble oo warbaahinta lahadlayey wuxuu yiri: ”Anniga gaar ahaan faraxad ayeey ii tahay in aan safarkii labaad ku soo gaaray magaalada Baladweyne, waayo sida aad og-tihiin waxaa nagu soo fool leh maalmo qaali ah iyo munasabado waaweyn oo runtii muhiin tahay dhamaanteen in aynu u wada dabaal-dagno, sidaa daraadeed waan ku faraxsannahay in aan maalmahaas kala qeyb-qaato shacabka reer Baladweyne iyo ciidamada Jabuuti“.

Wasiirrka gaashaandhiga oo ka hadlayey taariikhda G/Hiiraan wuxuu yiri: ”Magaalada Baladweyne waa magaalo taariikh leh, magaalo ku weyn marka la eego maalmaha xorriyada ee nagu soo foolka leh, sidaa daraadeed anniga iyo saaxiibada aan wada socno waxaa go’aansanay in aan ku soo qaadano magaalada Baladweyne farxada iyo dabaal-daga munaasabadaha 26 Juun, 27 Juun, 01-da Luulyo“.

Dhanka kale Wasiirrka ayaa si weyn ugu mahad celiyay saraakiisha ciidamada Jabuuti soo sida uu sheegay kaali weyn ka qaatay dib  u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in ay ka war hayaan tababaro kala duwan oo ay u soo xireen ciidamada iyo in ay jiraan kuwo kale oo waqtiga tababar u socdo.

Wafdiga maanta gaaray magaalada Baladweyne waxaa ka mid ah kooxda Deegaan ee ka dhisan dalka Jabuuti oo uu horkaacyo Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Max’uud C/llaahi Ciise ”Sanagub’

SomaliSwiss         Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: