Munaasabado Loogu Dabaaldegayo 26ka-June oo Xalay laga dhigay Muqdisho Iyo Gobollada Dalka.

???????????????????????????????

 Xalay saqdii dhexe waxa ay ku beegneyd sanad guurradii 53aad ee ka soo wareegatay markii ay gobollada Waqooyi ee Dalkeenna ka xoroobeen dalkii Ingiriiska islamarkaana ay aheyd markii ugu horeysay oo Dalkeenna si xornimo leh uga dul babado Calankeenna ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo gobollada Dalka ka soconaya munaasabaddo loogu dabaaldegayo 26ka-June. HOOS KA DAAWO TAARIIKHDA XORNIMA DOONKII.???????????????????????????????

HALKAN HOOSE KA DAAWO BARNAAMISHKA TAARIIKHDA DALKEENA.

Munaasabadan ayaa waxaa xalay ka qeybgalay  Madaxda ugu sareysa Dalka sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda,Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda, Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno,Saraakiisha Ciidammada,fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool  magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan wadani ah oo ka hadlaysay qiimaha xornimada ayadoo Madaxda sare ee Dalkana ay khudbaddo ka jeedin doonaan gebagebada Munaasabadda.

 Xuska calanka somaliaMagaalada Hargeysa oo ah caasimadda maamulka Somaliland ayaa iyana waxaa ka dhicay munaasabad qeyb ka ah dabaaldegga ay shacabka Soomaaliyeed ugu dabaaldegayaan sanadguurrada 53aad ee markii ay gobollada Waqooyi ee Dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska.

Sidoo kale intabadan gobollada kale ee Dalka ayaa waxaa xalay ka dhacay Munaasabaddo loogu dabaaldegayo sanadguurrada 53aad ee kasoo wareegatay markii ay xoroobeen gobollada Waqooyi ee Dalkeenna ayadoo munaasabadahaasi  ay ka socdeen gobollada Dalka oo dhan.

Gobollada ay Munaasabadahaas ka dhaceen waxaa ka mid ahaa:- Shabeelada Hoose,Shabeelada Dhexe,Hiiraan,Gedo,Jubada Hoose,Galaduud, Mudug,Nugaal,Bari,Baay iyo Bakool ayadoo magaalooyinka waaweyn ee gobolladaasi ay si isku mid ah uga dhaceen  Munaasabaddo loogu dabaaldegayo 26ka June, sidoo kale Soomaalida ku nool dalalka caalamka ayaa iyaguna qabteen munaasabado lagu xusayo 26ka June.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwis@hotmail.com

%d bloggers like this: