Mas’uuliyiin ka kala tirsan Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya oo Ku Kulmay Markab dushiisa.

Diyaarada qumaatiga u kacda.jpg 1Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’urso iyo taliyaha howlgalka ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee loo yaqaano Atlanta ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya kaas oo ka dhacay dusha markab laga leeyahay Portugal oo ku sugan meel ka baxsan xeebaha badda magaalada Muqdisho.

Diyaarada qumaatiga u kacdaSidoo kale Ergayga  ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta ammaanka xeebaha Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in Midowga Yurub uu qeyb ka qaadanayo dhisidda iyo qalabeynta ciidamada badda ee Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan la dagaallanka burcad badeedda.

Dhanka kae Ergayga ayaa xusay in waxyaabaha wada hadalka ka soo baxa lagu dari doono shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee lagu qaban doono dalka Belgium bisha September ee sanadkan.

Kulanka u dhaxeeya saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa noqonayo kii ugu horreeyay ee ka dhaca gudaha badda Soomaaliya.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: