Amiirkii dalka Qatar Sheekh Xamad Bin-Khalifa Althaanii oo Maanta Xilkii Amiirnimo u wareejin Wiil uu dhalay….

Hamad_bin_Khalifa_Al_ThaniWakaaladda wararka dalka Qatar ayaa sheegaya in Amiirkii dalka Qatar Sheekh Xamad Bin-Khaliifa Althaanii uu maanta si rasmi ah xukunka ugu wareejiyay wiil uu dhalay ee magaciisu la yiraahdo Sheekh Tamim Bin Xamad Althaanii, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo taariikhda wadamada carabta uu boqor si iskiisa xilka isaga wareejiyo.

Sheekh Tamiim Bin Xamad Althaanii iyo Hamadi.jpg1Sida la wada ogsoon yahay Amiir Xamad ayaa xilka ku qabsaday cinqilaab aanu dhiig ku daadan oo uu ku sameeyay Aabihii sannadkii 1995-tii ayaa Qatar oo ah waddan yar oo ku yaal Khaliijka carbeed ka dhigay mid kamid ah wadamada ugu dhaqaalaha badan uguna firfircoon dhanka siyaasadda ee wadamada ku yaala gacanka carabta.

Sheekh Tamiim Bin Xamad AlthaaniiSidoo kale Amiir Xamad markii uu xukunka qabtay ka sameeyay warbaahinta ugu wayn uguna afka dheer dunida carabta ee Aljazeera, iyadoo taleefishinkaas lagu tilmaamo inuu horseed ka ahaa kacdoonadii xoogga badnaa ee ka dhacay gobolka bariga dhexe oo xukunka looga tuuray hogaamiyayaashii Masar,Libya,Tunizia iyo Yemen, iyadoo haatanna uu kacdoon uu dhiig badani ku daatay ka soconayo waddanka Syria.

Amiirkii dalka Qatar Sheekh Xamad Bin-Khaliifa Althaanii oo dadweynaha waddankiisa taleefishinka kala hadlay ayaa sheegay in waddanku uu u baahanyahay isbadal siyaasadeed ayna muhiim tahay in jiilka soo kacaya loo dhiibo talada dalka.

Si kastaba ha ahaate xil wareejintan ayaa  maanta ka dhacday waddanka Qatar oo uu xilka kula wareegay Sheekh Tamiim oo 33 sano jir ah ayaa dadka falanqeeya siyaasada wadamada carabta ay ku tilmaameen inay horseedi karto dhaq-dhaqaaqyo lagu dalbanayo isbadallo wadamada ay ka jiraan boqortooyinka ee intooda badan ku yaala Khaliijka carabta, iyadoo Sheekh Xamad oo isagoo wali caafimaad qaba oo firfircoon uu si iskiis ah uu isaga wareejiyay xilka, halka ay boqorrada kale xukunka hayaan inta ay ka dhimanayaan.

SomaliSwiss         Doxa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: