WARSAXAAFADEED: Ra’iisul-Wasaare Saacid oo Ridwaan Xaaji Cabdiweli u Magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ridwaan Xaaji CabdiweliWarsaxaafadeed: Ra’iisul-Wasaare Saacid oo Ridwaan Xaaji Cabdiweli u Magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta u magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ah waaya arag dhanka warbaahinta ah.

Dikreetada magacaabista oo warbaahinta loo qeybiyay ayaa ku taariikheysan June 23, 2013, waxayna u qorneyd sidan hoos ku qoran.

Ujeeddo: Magacaabis Xil

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya

Markuu arkay: Qod. 99-aad Xarfihiisa (A, D, iyo E) iyo Qod. 100-aad ee Dastuurka JFS

Markuu arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo lana horumariyo xiriirka warbaahineed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Markuu Akhriyey: Taariikh-nololeedka, waayo-aragnimada shaqo iyo aqoonta

la xiriirta warbaahinta uu leeyahay aqoon-yahanka hoos ku xusan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wuxuu xeeriyay

Qod.1-aad

Magacaabis

Waxaa loo magacaabay Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul

Wasaaraha.

Qod.2aad

Dhaqan gelid

Xeerkani waxa uu dhaqangalayaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee dawladda.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon

Ra’iisul Wasaaraha

Xukuumada Federaalka Soomaaliya

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: