Ra’isulwasaare Saacid oo maanta Ka Qeyb galay Munaasabad Tababar Loogu Xerayey 1850 Askari.

???????????????????????????????Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad tababar loogu xerayey 1850 askari oo ka mid noqonaya Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

???????????????????????????????Munaasabadda tababarka loogu soo xerayey ciidamo ka mid noqonaya Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna Munaasabaddaas ay ka dhacday dugsiga tababarka ee Jasiira oo ah halka ay Ciidammadan ku tababarteen waxaana Ra’isulwasaaraha wehliyey Wasiirrada Gaashaandhigga,Warfaafinta iyo Kheeyraadka Dalka.

General Daahir Aadan oo ah Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay iney tahay wax aad loogu farxo in ciidammo intaan tiradoodu ay gaareyso iney tababar ku qaataan gudaha dalkooda waxaana uu taliyuhu xusay in Ciidammadan maanta tababarka loosoo xeray ay dugsigan ku tababaranayeen mudo Lix bilood ah.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa wuxuu Munaasabaddaas ka jeediyey khudbad, wuxuuna macalimiinta dugsiga tababarka ciidammada Xoogga Dalka ee Jasiira ku ammaanay sida ay Ciidammadan u tababareen waxaana uu Wasiirku shaaciyey in Ciidammadan ay door weyn ka qaadan doonaan sida loo dhameystiri lahaa howlgalka dalka looga sifeynayo Maleeshiyaadka kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo munaasabadda soo xeray ayaa tilmaamay in tababarka Ciidammada ee lagu tababarayo gudaha Dalka ay wax weyn ka bedelantahay in dalka dibaddiisa lagusoo tababarro marka loo eego dhanka aadaabta iyo dhaqanka waxaana uu Ra’isulwasaare Saacid xusay in Xukuumadda ay ka go’antahay sii wadida dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si ammaanka dalka loo xaqiijiyo.

SomaliSwiss        Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: