Munaasabado loogu Diyaargaroobaya Xuska 26-ka Jun Iyo 1-da Lulyo oo Ka Socota Dalka Iyo Dibaddiisa.

Maalinta Calanka.Waxaa dalka Soomaaliya Gudaha iyo dibaddiisa ay  ka socdaan Qabanqaabo iyo u diyaargaroow aad u weyn oo loogu diyaargaroobayo xuska Maalmaha Xoriyadda Dalkeenna ee 26ka-June iyo Koowda Luulyo, taas oo loogu danleeyahay in si weyn looga dareemayaa gudaha dalka iyo caalamka.

Xuska calanka somaliaSidoo kale u diyaargarowgan ayaa waxaa  lagu maamuusayo xuska sannad guurada 53-aad ee xoriyadda dalkeenna, gaar ahaan markii gobollada Waqooyi ay ka xoroobeen Isticmaarkii Ingariiska, kugu beegneyd markii Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya laga taagay Beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa oo ah caasimadda Labaad ee dalkeenna.

Dowladda Federaalka Soomaaliya xuska 26-ka June, iyo 1da Lulyo waxay u xil saartay guddi Qaran oo heer wasiirro ah, iyadoo gudigaasi uu horey ugu baaqay shacabiga Soomaaliyeed  ee gudaha dalka iyo dibeddiisa ku dhaqan in ay u diyaar garowbaan, isla markaana ay si ka duwan sannadihii hore  u xusaan maalmaha xorriyadda.

1da LuuliyoDhanka kale wararka ka imaanaya Gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa lagu soo warramayaa in ay ka socda  qabanqaabada munaasibadda 26-ka June,  waxaana shacab ka deegaannada kala duwan ee gobolladaasi ay wadaan sidii ay u muujin lahaayeen sida ay ugu weyn-tahay xuska maalinta xoriyadda.

Waxaa kaloo dadka Soomaaliyeed ku nool wadamada caalamka, ay  iyaguna wada qaban qaabo ballaaran oo ay ugu dabaal dagayaan xusmaha26 Jun iyo 1-da Lulyo.

Si kasta ha ahaatee Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa  lagu wadaa in lagu qabto munaasabadda ugu balaaran ee xuska maalmaha xoriyadda, waxaana qaban qaabada si wadajir ah u wada mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo shacabiga ku dhaqan Gobolka Banaadir.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: