Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo wacad ku maray inuu Awood u Isticmaali doono dhinacyada ku dagaallamaya gobolka waqooyi bari.

Uhuru Kenyatta 2Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu awood u isticmaali doono maleeshiyaad beeleedka hubaysan ee ku dagaallamaya deegaanadda Mandheera iyo Wajeer  hadii aanay hubkooda soo dhiibin.

Sidoo kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo maanta kulan xaasaasi ah madaxtooyada kula qaatay hogaamiyayaasha gobolka waqooyi bari ee uu dagaalku ka socdo ayaa dalbaday in si dhakhso ah dawlada loogu soo gacangaliyo dhammaan hubka sharci darrada ah ee ay haystaan dhinacyada ku dagaallamaya deegaankaas.

Madaxweynaha dalka Kenya oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Hadii la soo afjari waayo cadaawada, dawladu waxa kaliya oo u furan waa inay awood isticmaashaa” wuxuuna wacad ku maray  in aan loo dulqaadan doonin dilka loo gaysanayo caruurta iyo haweenka.

Dhanka kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka digay in odayaasha deegaanada Mandheera iyo Wajeer ay masuuliyada qaadi doonaan hadii ay sii socdaan dagaallada hubaysani.

Balse hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyaadka labada dhinac ay xataa bartilmaameedsanayaan haweenka iyo carruurta kasoo kala jeeda qabaa’ilka ku dagaallamaya deegaankaas.

Si kastaba ha ahaatee digniinta uu Madaxweynaha Kenya u jeediyay hogaamiyayaasha gobolka waqooyi bari ee dalka kenya ayaa noqonaysaa tii ugu adkayd ee uu jeediyo tan iyo markii ay dagaalladu ka qarxeen gobolkaas, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo gubitaanka tuulooyin ku yaalla halka ay dagaalladu ka socdaan.

SomaliSwiss        Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: