Dowladda Ingiriiska oo shaaca ka qaaday in 14 Milyan Pound ay ku bixinaysa dhismaha Xabsiga dhexe iyo Maxkamadda Dambiyada.

Mis Justline GreeningDowladda Ingiriiska ayaa shaaca la qaaday in 14 milyan oo Pound ay ku bixinayso dhismaha xabsiga weyn ee magaalada Muqdisho iyo maxakamdo dambiyada, si loogu maxkamadeeyo kuwa lagu helo falalka la xiriira burcad-badeednimada iyo argagaxisada.

Sidoo kale dowladda Ingiriiska ayaa wada qorshe ay ku doonayso sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa nidaam sahlaya qaadista dacwadaha burcadbadeedda iyo argagaxisada, kuwaasoo badi ku jira xabsiyo ku yaala dalalka calaamka.

Mis Justline Greening oo ah Wasiirradda horumarinta caalamaiga ah ee Britain, ayaa u sheegay warbaahinta dalkeeda in dalkeedu uu diyaar u yahay bixinta lacag dhan 14 milyan oo Pound si Soomaaliga looga saacido arrimaha la xiriira dib u dhiska xabsiga weyn ee Muqdisho iyo sameynta maxkamadda dambiyada oo noqon doonta mid guur-guurta.

Wasiirradda horumarinta caalamaiga ah ee Britain oo arrintaas ka hadashay waxay tiri: “Hadafkeennu waa in la helo nidaam sahlaya qaadista dacwadaha ka dhanka ah burcadbadeedda iyo argagaxisada,” waxayna intaas raacisay in qorshahoodan ay ku dhisayaan xabsiyada ay qayb ka tahay inay Soomaali fara badan oo xabsiyada dalkooa ku jira ay dib ugu celiyaan Soomaaliya si halkaas loogu xabiso.

Wasiiraddu waxay sheegtay in qorshahooda ugu weyn uu yahay inay dayactir xooggan ku sameeyaan xabsiga weyn ee Muqdisho oo dhisme ay ugu dambeysay 180-sano ka hor.

Mis Justline Greeningwaxay sheegtay in Xabsiyada dalka Britain ay ku jira ku dhawaad 400-qof oo Soomaali ah, kuwaas oo loo haysto dambiyo kala duwan, haddii aan dib u dhisno waxaan doonaynaa ayey tiri Wasiiradda inay dadkaas u soo qaadi doonaan dalka Soomaaliya si ay xabsiyadooda ugu dhameystaan halkaas.

Sidoo kale, Dowladda Britain ayaa waxay labadii sano ee ugu dambeysay isha ku haysay Soomaaliya, iyadoo horay ugu qabatay laba shir oo waaweyn, kuwaasoo dhaqaale loogu ururinayay dowladdii KMG ahayd ee hore iyo dowladda hadda jirta ee rasmiga ah.

Si kastaba ha ahaatee Soomaali fara badan oo maxaabiis ah ayaa ku jira xabsiyo kala duwan oo ku yaalla caalamka, kuwaasoo loo haysto falal argagaxiso iyo kuwo la xiriira burcad-badeednimo, iyagoo sidoo ay jiraan kuwo dambiyo kale u xiran.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: