Baarlamaanka oo ugu deeqay Agoonta Askartii Booliiska ka Geeriyoodeen 30kun oo Dollar.

Xildhibaannada Iyo Taliska BooliiskaXildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lacag gaareysa 30,000$ (Soddon kun oo Doollar) oo ay gunadooda bishan ka jarayaan ugu deeqay carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen askarta Booliiska ah ee naftooda u huray difaaca dalkooda,dadkooda iyo diintooda kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Booliiska.

Xildhibaannada Iyo Taliska Booliiska 1Xarunta Golaha Shacabka  ee magaalada Muqdisho ayaa Kulankan  ka dhacay,  waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa soo xaadiray saraakiisha ugu sareysa Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed oo iyagu kasoo jawaabay u yeerista Xildhibaannada Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulankan si rasmi ah u furay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey saraakiisha Ciidammada Booliiska ah sida ay ugasoo jawaabeen u yeerista Mudaneyaasha Baarlamaanka ayadoo talaabadanna ay muujineyso sida ay hay’adaha ammaanka gaar ahaanna Booliiska tixgelin u siinayaan la shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto C/xakiin Daahir Saacid oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu horyimaado Baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray in mar walba Saraakiisha Ciidammada Booliisku diyaar u yihiin iney ka jawaabaan awaamiirta Baarlamaanka.

Dhanka kale  kulankan ayaa noqday mid ay albaabada u xiran yihiin ayadoo saxaafadanna dibad joog ay ka aheyd waxaana ay si hoose uga wada hadleen Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed sida ay uga wada shaqeyn karaan sugidda ammaanka Dalka iyo sida loo sixi lahaa dhaliilaha jira waxaana markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib saxaafadda la hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed.

Si kasta ha ahaatee Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa tilmaamay in kulankii maanta ay si calool fiyoobi ah uga wada hadleen saraakiisha Booliiska iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sugidda ammaanka Dalka iyo wada shaqeynta dhanka amniga ah islamarkaana kulanka lagu go’aamiyey in wada shaqeyn joogta ah ay Xildhibaannada iyo Booliiska ka yeesheen adkeynta Amniga.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hormail.com

%d bloggers like this: