Ururka Muslimiinta Mareykanka oo Erdogan uga Mahadceliyay u gargaaridda Qoxootiga ku firirsan Caalamka oo dhan.

American-Muslims,Ururka Muslimiinta dalka Mareykanka ayaa waxay qoraal mahadcelin u diray  Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, waxayna uga mahadceliyeen taageerada joogtada ah ee uu siiyo guud ahaan qoxootiga ku nool caalamka, gaar ahaan qaxootiga Islaamka.

American Muslim.jpg1

Sidoo kale Ururka Muslimiinta Marekanka ayaa waxay warqaddooda ciwaan uga dhigeen “Mahadsanid” waxay ku sheegeen in ra’iisul wasaaraha Turkiga ay uga mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee uu siiyo qoxootiga caalamka ku firirsan.

Ururka Muslimiinta Marekanka waxay Warqaddan ugu dhiibeen Erdogan, Daljiranaha dalka Turkiga u jooga magaalada Washington DC ee xarunta dalka Mareykanka, Namik Tan, iyagoo ku sheegay in dalka Turkiga uu yahay dal si aan kala sooc lahayn u caawiya kumannaan qoxooti ah sannad walb, iyagoo ugu baaqay inuu sidaas ku wado caawinta qoxootiga.

Mudane Maxamuud Kazmi oo ah mid ka mid ah bulshada Muslimiinta ah ee ku nool dalka Mareykanka ayaa wuxuu yiri: “Innagoo ah muslimiinta Mareykanka, waxaan caddeynaynaa in Turkiga uu kaalin muhiim ah ka ciyaaray caawinta qoxootiga, waana mid ay tusaale ka dhigan doonaan dalalka kale ee dunida”.

Dhanka  kale, Ururka Muslimiinta waxay qoraalkooda ku xuseen in Turkigu uu caawin joogto ah siiyo qoxooti badan oo ku nool dalalka, Bosnia-Herzegovina, Syria, Iraq, and Kosovo, Bangladesh, Myanmar, Afghanistan, Pakistan, Sudan iyo dadka Soomaaliyeed.

Mudane Kazmi wuxuu sheegay in Erdogan uu yahay hoggaamiyihii ugu horreeyay oo booqda Soomaaliya oo colaado ku jirtay 20-sano, waxaana ku boorrinaynaa hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka inay ku daydaan hoggaamiyahan.

Hase ahaatee Mudane Kazmi wuxuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay ee uu yiri: “Qoraalkeenna waxaan si wadajir ah u qoray muslimiin kasoo jeeda dalal kala duwan oo ku nool Mareykanka. Waxaana hoosta ka xariiqnay in dalka Turkiga uu yahay mid si walaanimo iyo saaxiibnimo ah u caawiya dalalka muslimiinta ah”.

Sida la wada ogsoon yahay Dalka Turkiga ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ururro samafal ah oo kala duwan, kuwaasoo ka shaqeeya, waxbarashada, caawinta barakacayaasha, dhismaha iyo horumarinta hay’adaha dalka. Iyagoo sidoo kale waxbarasho lacag la’aan ah siiyay boqolaal arday Soomaaliyeed ah.

Si kasta ha ahaatee howlaha samafal ee Turkiga kawado Soomaaliya ayaa waxaa si aad ah ula dhacsan shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdooda iyagoo ku tilmaamay mid walaaltinimo oo ka timid shacabka Turkiga iyo xukuumaddooda.

SomaliSwiss             New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: