Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgalo lagu Soo Qabqabtay Kooxo Burcad ah, Ka Sameeyey Wadada isku xirta Afgooye iyo Walweyn.

ciidamada xooga dalka SoomaaliyaWaxaa howlgallo oo ay ka qeyb galeen cutubto ka tirsan ciidamada dowladda Fedeaalka Soomaaliya ayaa haatan waxaeey ka socanayaan wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Walweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Sidoo kale waxaa Saaka aroortii hore lagu arkayay waadada isku xirto Afgooye iyo Walaweyn ciidamo faraban oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo baaritaano ku sameenayo gaadiidaka istilcmaalayo Wadadaasi.

Dhanka kale howlgalkaan ayaa ka dambeeyey kadib markii maalmihiin u dambeeyey ay kooxo burcad ah wadada u galeyeen gadiidka isticmaalo wadada u dhaxeyo deegaanada Afgooye iyo Walaweyn.

Wararka ayaa sidoo kale tibaaxyo in howlgaladaasi lagu soo qabqabtay ku dhwaad 10 ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsanaayeen kooxaha Burcada ee dhaca ka geesto deegaanadaasi.

Hase yeehee howlagalkaasi ayaa lagu soo waramayaa inuu iminka ka socdo inta u shexeyso deegaanada Afgooyo iyo Walaweyn ee gobol Shabeelada Hoose.

SomaliSwiss      Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: