Magaalada Phnom Penh ee Dalka Cambodia oo lagu soo gabagabeeyey Shirweynihii Xorriyatul-Qowlka Adduunka.

CambodiaMagaalada Koofur bari Asia ee Phnom Penh.ee Dalka Cambodia ayaa lagu soo gabagabeeyey Shirweynihii Dallada Caalmiga ee Xorriyatul-Qowlka Adduunka waxaana looga Dooda Xoriyatul Qowlka loo yaqaano International Freedom of Express Exchange (IFEX), waxaana si gaar ah looga hadlay xaaladda Xorriyatul-Qowlka Soomaaliya.

Cambodia.jpg1Shirweynahan ayaa waxaa Ka soo qeyb galay Suxufiyaal tiradooda ay kor u dhaaftay 200 qof oo matalayay ururrada iyo hay’adaha u dooda xorriyada saxaafadda, xuquuqul insaanka iyo xorriyatul qowlka kuwaasoo ka kala yimid 120 dal oo addunka daafihiisa ah ayaa waxaa ay si qoto dheer ay uga doodeen xaaladda ay ku sugan tahay xoriyatul qowlka.

Sidoo kale Dalka Soomaaliya ayaa waxaa kulanka ugu qeyb galay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo xubin buuxda ah dallada IFEX. Soomaaliya ayaa mar kale loo asteeyay in ay ka mid tahay dalalka loogu dhibaateyn badan yahay suxufiyiinta taasoo ay ka dhigeyso meel si weyn loogu xadgudbo xorriyatul qowlka iyo xuquuqul insaanka. Dalka Soomaaliya ayaa waxaa la wadaaga kaalinta ugu horreysa dalalka Philippine, Russia and Syria.

Mudane Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa waxaa kulankaas ka jeediyay warbixin ka hadlaysa dhibaatada loo geysanayo suxufiyiinta gaar ahaan nabadgelyo-xumida heysato suxufiyiinta oo keentay in si bareer ah loo beegsado saxaafadda iyo ciqaab la’aanto dilka loo geysanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Mudane Cumar Faaruuq wuxuu sheegay in dhibaateynta lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed ay tahay mid xalkeeda lagu soo koobay hadallo siyaasadeed oo aan wax la taaban karo oo muuqda aanan laga qaban tasoo keentay in dilkii uu si macno darro ah u sii socdo.

Dhanka kale Kulankan ayaa waxaa lagu meel mariyay go’aan u soo jeediyay Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ kaasoo ahaa in laga taageero Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ si ay u sahlanaato in la ilaaliyo amniga iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee xoriyadda saxaafadda soomaaliya taasoo kulanweynaha IFEX uu si weyn isugu raacay.

Si kasta ha ahaatee shirweynihii Ururka IFJ ee ka dhacay magaalada Dublin lagu meel mariyay qaraar taageero iyo kaalmo kaleba loogu yaboohay ururka NUSOJ muddada seddaxda sano ah ee soo socota si uu usii kordhiyo waxqabadkiisa.

SomaliSwiss Phnom Penh

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: