Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo caddeeyey in Shaqaale Ajaanib ah ay ku naf-waayay Weerarkii Xarunta UNDP ee Muqdisho.

undp qarax.jpg1Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo ah Wasiirka arrimaha gudaha iyo Ammaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii maanta lagu qaaday xarunta UNDP ay ku dhinteen 15-qof oo ay afar ka mid ahaayeen shaqaalihii ajnabiga ahaa ee ka howl glayay xarunta UNDP.

undp qaraxWasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in toddoba ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaas ay ahaayeen xoogagii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday, afarta kalena ay ahaayeen ilaaladii xaruntaas, iyado ajaanibta ku dhimatay weerarka la sheegay in saddex ka mid ah ay u dhasheen dalka Koonfur Afrika, mid kalena uu ahaa Kenyan.

Balse wasiirku ma soo hadal qaadin dadkii shacabka ahaa ee afaafka hore ee xarunta ku dhintay, isagoo warbixintiisa ku ekeeyay shaqaalihii xarunta ee dhintay, ilaaladii iyo xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Sidoo kale wasiirku wuxuu intaas uu  ku daray ee uu yiri: “Waxaan mahad u celinayaa ciidamadii dowladda ee ku guuleystay inay ugu galaan gudaha xarunta kooxihii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday kana sifeeyay, taasoo ah guul u soo hoyatay dowladda”.

Dhinaca kale wasiirku sheegay in Shaqaalaha ajnabiga ah ee goobta ku dhintay ay ahaayeen kuwo qaabilsanaa dhinaca ammaanka xarunta hay’adda UNPD oo ah goob ay deggen yihiin hay’daha Qaramada ee ka howlgala Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa  waxay sheegeen in weerarkaas ay ku dhinteen dad shacab ah oo tiradooda lagu sheegay shan qof, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar, waxaana sidoo kale ku dhintay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo aanu wasiirku soo hadal-qaadin.

Si kasta ha ahaatee Weerarkii maanta lagu qaaday xarunta hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP ay ku leedahay Muqdisho ayaa wuxuu ahaa mid aad u abaabulan, iyadoo sarkaal u hadlay booliiska uu sheegay in mid ka mid ah kooxihii fuliyay weerarkaas la qabtay.

Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa durbadiibasheegatay Xarakada Al-shabaab waxayna caddeeyeen in shaqaale Ajnabi ah ay ku dileen weerarkii ay xaruntaas ku qaadeen, balse ma aysan sheegin tirada shaqaalahaas ay dileen.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: