Shir-weynaha looga hadlayey Waxbarashada Qaran oo Maalintii Labaad galay.

???????????????????????????????Shirka heerka Qaran ee looga hadlayey dib u habeynta nidaamka Waxbarashada dalka ayaa maalintii Labaad ka socda magaalada Muqdisho ayadoo R/wasaaraha Soomaaliya uu shirkaasi shalay ka sheegay in tacliintu ay door muhiim ah ka qaadan karto ka hortagga khataraha la xiriirta Afkaarta qaldan oo dhalinta lagu marin habaabinayo.

WaxbarashadaShirkan oo shalay ka furmay Muqdisho ayaa galay maalintii Labaad,  iyadoo shirkan ay ka qeyb gelayaan diblomaasiyiin caalami ah iyo mas’uuliyiinta hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca waxbarashada, UNESCO, ergooyin iyo aqoonyahano ka kala socda gudaha dalka iyo dibadda, ayaa maanta looga doodayaa sidii loo nidaamin lahaa waxbarashada dalka.

Drs. Maryan Qaasin oo ah Wasiirka Horumarinta adeegga Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ahmiyada waxbarashadu u leedahay jiilka soo koraya iyo doorka ay waxbarashadu ka qaadan karto isu keenidda shacabka Soomaaliyeed,  iyadoo hoosta ka xariiqday iney  meesha ka saareyso afkaarta qaldan ee lagu marin habaabiyay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Drs. Maryan Qaasin oo ka hadleysay waxbarashada Ubadka Soomaaliyeed waxay tiri:  ‘’ Waxaan rabaa afkaartiina inaad isu wada keentaan khilaafaadkiina aad ilowdaan, mustaqbalka ilmaha Soomaaliyeed inaan u midowno, Soomaaliyeey wax kasta oo aan isku heysanay xagga iska dhiga, waxaan rabnaa in caruurta Soomaaliyeed wax la qeybsadaan caruurta kale ee ku nool wadamada caalamka’’.

Wasiradda oo hadalkeeda sii wadata ayeey ugu baaqday ergada ka qeybgaleysa shirka in ay isku afgartaan go’aano wax ku ool ah oo badbaado u ah mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.

Si kasta ha ahaatee shirkan oo galay maalintiisii labaad ayaa dad badani quudareynayaan iney ka soo baxaan go’aanno taariikhi ah oo dib loogu nidaaminayo Waxbarashada laguna mideynayo manaahijta dalka ka jirta.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: