Waxaa Goor Dhow Qarax ka Dhacay Xarunta ay UNDP ku Leedahay magaalada Muqdisho iyo Wararka aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xarunra UNDP ay ku leedahay agagaarka garoonka diyaaraha  ayaa waxaa weerar naftii halignimo ah uu ka dhacay xarutntaasi, waxaana Xaruntaas Gudaha u galay Ciidamada Gaashaamaan.
Ciidamada gaashaaman ee qaranka ayaa gudaha u galay xarunta UNDP oo ay kooxo dhagar qabayaal ah ay weerar ku qaadeen.
Ciidamada ayaa ku guuleeystay in ay toogtaan qaar ka mid ah maleeshiyaadkii argagaxisada ahaa ee gudaha ugu jiray xarunta,iyadoo ay isku gadaameen ciidamada sida gaarga ah u tababaran xarunta UNDP ee ku talla agagaarka garoonka diyaaradaha.
Ciidamada ayaa ku howlan soo badbaadinta dadkii ku jiray gudaha xarunta oo ay qaar ka mid ah banaanka u soo saareen iyaga oo bad qabo.
Wararka waxay sheegayaan in weerar naftii halignimo ah uu ka dhacay iridda xarunta UNDP, sidoo kale  wararka ayaa sheegaya in gudaha xaruunta ay ka dhaceeyso rasaas.
Kooxaha hubeysan ee galay xarunta ayaa la sheegayaa ay xirnaayeen dareyska ciidamada dowladda iyo dharka gaarka ah ee Ciidamada ilaaliya xarunta UN-ka, waxaana xiran wadada isku xirta KM4 iyo Garoonka diyaaradaha Aadan cadde.
Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa naftii halignimada ah oo la sheegay in xilliga uu dhacay wadada aheyd mid ay marayeen baabuur aad u badan.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.