Fariisin ay lahaayeen ciidamada Jabuuti ee magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiran oo xalay weeraro lagu qaaday….

DagaalWar Saakay naga soo gaaray magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu  xalay ka dhacay galbeedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan kaasoo dhexmaray cidamada Jabuuti ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowlada oo hal dhinac ah iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa bilaabmay kadib markii ay maleeshiyo ka tirsan Xarakada  Al-Shabaab oo aan la garaneyn halka ay ka yimaadeen ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamo Jabuuti ku leeyihiin galbeedka B/weyne, waxaa la maqlaayay daryanka Madaafiicda sida ay sheegayaan dadka ku sugan magaalada Baladweyne.

Hase ahaatee ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarkaasi oo muddo kooban socday, iyadoo xaalada goobihii xalay uu dagaalka ka dhacay  ee galbeedka magaalada B/weyne ay saakay degan tahay , mana jiro war ku saabsan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo maamulka gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale weerarka Al-Shabaab ee ay xalay soo qaadeen  ayaa lagu macneeyey in Al-Shabaab ay ka careysiisay in  labo maalin ka hor ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay Al-Shabaab kala wareegeen degaanada Luuq-jeelow iyo Baar oo ku yaala meel illaa 20km ghalbeedka kaga toosan magaalada Baladweyne.

SomaliSwiss      Baladweyn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: