ku xigeenkii maamulkii hore KMG ahaa ee magaalada Kismaayo oo maanta lagu dhaawacay degmadaas.

Kismaayo2War naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ku xigeenkii maamulkii KMG ahaa ee magaalada Kismaayo, Yaasiin Nuur Gaas (Raadaar) ayaa goor-dhow lagu dhaawacay gudaha magaalada Kismaayo, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaadiid uu watay.

Lama oga xaaladda dhaawaca Yaasiin Raadaar, iyadoo weerarka lagu dhaawacay uu ka dhacay waddada aadda dekedda magaalada Kismaayo, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan iyo sababta ka dambeysay in la dhaawaco.

Sida la sheegay Mas’uulka la dhaawacay ayaa ka mid ah xubnaha gacan saarka la leh Sheekh Axmed Madoobe oo bishii hore loo doortay madaxweynaha maamul loogu magac-daray Jubbaland oo uu muran ka taagan yahay jiritaankiisa.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay inay xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha magaaladaas, taasoo salka ku haysa weerarka loo geystay Yaasiin Gaas. Goobjoogaha wuxuu intaa uu raaciyey “Boqolaal ciidammo ah ayaa magaalada soo buuxiyay, qaybo magaalada ka mid ah magaalada waxaa ka dhacaysa rasaas xooggan, ganacsigana waa xirnay, cid walbana waxay ku sugan tahay gurigeeda”

Sida la wada ogsoon yahay magaalada Kismaayo ayaa waxaa horraantii bishan ka dhacay dagaallo aad u xooggan oo u dhexeeyay ciidamada Raaskambooni oo uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidammo taageersan Iftiin Xasan Baasto oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

SomaliSwiss       Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: