Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka furtay shir heer Qaran ah oo Waxbarashada Dalka dib loogu Habeynayo.

Ra'iisul_wasaare SaacidDowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta  Muqdisho ka furtay shir heer Qaran ah oo Waxbarashada Dalka dib loogu Habeynayo, shirkan ayaa lagu wadaa inuu socdo mudo saddex maalmood ah. Waxaana qabanqaabadiisa iska kaashaday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, hay’adaha UNESCO iyo UNICEF.

Ra'iisul_wasaare Saacid.jpg1Furitaanka shirkan ayaa waxaa khudbad  u ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, wuxuuna sheegay in qorshaha xukuumadda Soomaaliya uu yahay inay miisaaniyad ballaaran u qoondayso waxbarashada iyo Ammaanka dalka, waxaana Shirkaas kasoo qayb-galay xeel-dheerayaal dhinaca waxbarashada ah oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisaba..

Ra’iisul wasaaraha  Saacid oo arrintaas ka hadlayey wuxuu  yiri: ”Dowladdu waxay ku dadaalaysaa inay waxbarashada dalka ku bixiso lacag la mid ah midda amniga iyo difaaca dalka u qorshaysan,” wuxuuna bulshada ugu baaqay inay si deg-deg ah u banneeyaan xarumihii waxbarashada ee dalka.”

ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka hadlay dib-u soo noolaynta tacliinta sare isagoo xusay in dowladdu ku hawllan tahay in jaamacaddii Ummadda dib loo furo.

Sidoo kale, waxaa iyaguna goobta ka hadlay mas’uuliyiin kale oo ay ka mid ahayd wasiiradda horumarinta iyo adeegga bulshada, Maryan Qaasim oo sheegtay in shirkan uu gundhig u yahay sidii caruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho tayeysan.

Dhanka kale, Shirka dib-u-soo noolaynta waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo maalinta khamiista ah ee soo socota, waxaana laga soo saari doonaa qorshe Qaran oo ay hoggaanka u qaban doonto wasaaradda hormarinta iyo adeegga bulshada iyo talooyin ku aadan manhaj midaysan oo ay Soomaaliya yeelato 22 sano kaddib.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: