Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo xalay lagu weeraray Madaafiic.

HoobiyeWaxaa xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho lagu weeraray Madaafiic hoobiyeyaal ah, waxaana saaka ka socdaa degmooyinka Hodan iyo Holwadaag baaritaanno lagu soo qabtay boqolaal qof.

Sida lagu soo warramay waxaa aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen Hoobiyeyaashan oo la sheegay in xalay saqdii dhexe ku dhaceen afaafka hore ee xarunta madaxtooyada iyo goobo ku dhowdhow sida xarunta nabadsugidda Qaranka.

Waxaa wali jirin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo duqeymahan ka hadlay waxayna arrintan kusoo beegmaysaa xilli ay magaalada Muqdisho ka socdeen howlgallo lagu raadinayo kooxaha xiriirka la leh Al-shabaab.

Howlgallada socda magaalada Muqdisho ayaa waxay saameyn ku yeesheen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, sida xaafadda Black Sea, Baar Ubax, Al-Baraka iyo Warshadda caanaha, waxaana howlgalladan lagu soo qabqbatay Boqolaal qof oo dhallinyaro u badan.

Sidoo kale Madaafiicdan ayaa  tiradoodu lagu sheegay ina ahaayeen afar madfac oo laga soo tuuray qaybo ka mid ah Muqdisho, waxaana mas’uuliyadda duqeymahan durba sheegatay Al-shabaab oo sheegtay inay weerartay madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab oo laba sano ka hor ka baxday Muqdisho ayaa waxay dhowr jeer oo hore sheegeen inay xoogag iyaga ka tirsan ku sugan caasimadda ayna la beegsan doonaan weerarro xarumaha dowladda Soomaaliya.

 SomaliSwiss          Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: