Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo xalay lagu Weeraray Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

xildhibaanoMagaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa xalay lagu Weeraray Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo la socday gaari yar, waxaana kooxaha weerarka geystay oo ahaa rag sitay bastoolado ay xildhibaannada ka qaateen Compiuter labtob ah ay wateen.

Xildhibaannadan la weeraray ayaa waxaa ka mid ahaa, C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ahaa wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya iyo C/llaahi Goodax Barre oo ahaa wasiirkii hore ee qorsheynta dowladdii KMG ahayd.

Xildhibaan Godax oo la hadlayay VOA-da wuxuub yiri: “Saddex nin oo bastoolado ku hubeysan ayaa noogu soo galay gaari yar oo aan wadannay, waxayna nagu qabteen bastoolado, iyagoo noo sheegay inay yihiin booliis aana xirannahay, iyagoo isku dayay inay kexeystaan xildhibaan xoosh, balse buuq ayaa dhacay wayna carareen”.

Sidoo kale Xildhibaan Godax ayaa sheegay in weerarka kaddib ay la soo xiriireen saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayna u sheegeen inay ka xun yihiin wixii dhacay; wixii hadda ka dambeeya ay sugayaan ammaankooda.

Dhanka kale Xildhibaannadan ayaa waxay ka mid ahaayeen xildhibaanno dhawaan kaga qaybgalay magaalada Nairobi shir looga hadlayay mushkiladaha ka taagan gobollada Jubbooyinka, halkaasoo ay ka howlgalaan ciidamada Kenya.

Si kasta ha ahaatee Dowladda Kenya iyo dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weeerarka loogu geystay xildhibaannada Soomaaliyeed bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo falkan oo kale uu ka dhaco Nairobi.

SomaliSwiss          Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: