Ciidamadii ugu horreyay oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho loogu soo xirayo tababar.

FiqiCiidamadii ugu horreeyay oo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo tababar ku qaata gudaha dalka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda loosoo xiro tababarkooda, sida ay sheegeen saraakiisha milateriga Soomaaliya iyo wasaaradda gaashaandhigga.

Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa shalay la hadlayay ciidamadan wuxuuna sheegay in looga baahan yahay inay xaqiijiyaan ammaanka dalka oo dhan, gaar ahaan Muqdisho loona tababaray inay ka hortagaan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay cadowga dalka.

Wasiirka oo la hadlayay boqolaalka askari ee tababarka dhameysanay wuxuu mar kale uu yiri: “Cadowga dalka waa mid midabkeenna leh oo u adeegaya shisheeye, ma doonayaa in dalka ay nabadi ka dhalato, ma doonayaan in caruurteennu ay iskuullada aadaan, mana doonayaan in ciidankeennu dhismo, marka kuwaas waa kuwa la doonayo inaan ka hortagtaan”.

Sidoo kale Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwii ugu horreeyay oo dalka gudihiisa tababar ku qaata si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

“Mudane wasiir ciidamadan waa kuwo lasoo xulay oo loo tababaray sidii ay uga hortegi lahaayeen qaraxyada iyo falalka ammaan-darrada la xiriira ee ay ka geysanayaan gudaha dalka xoogagga Al-shabaaab,” ayuu yri abaanduulaha oo isaguna goobta hadal ka jeediyay.

Dhanka kale, abaanduuluhu wuxuu sheegay in ciidamadan ay la tababarayay muddo lix bilood ah ayna tabababarayeen saraakiil Soomaali ah, looguna talogalay inay qayb libaax ka qaataan sugidda ammaanka caasimadda.

Ugu dambeyntii, abaanduuluhu wuxuu sheegay in ciidamada ay tababarka loo soo xiri doono dhawaan, askarigii aan buuxin shuruudaha looga baahan yahayna uu ku hari doono xerada Jasiira si tababarka loogu sii wado.

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: